Guriceel

From Wikipedia, the free encyclopedia

Guriceelmap
Remove ads

Guriel (Soomaali: Guriceel , Carabi: جرعيل , جوري عيل ) waa magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya waxayna ku taallaa maamulka Galmudug Magaaladu waxay u adeegtaa magaalo madaxda Degmada Guriceel.

Quick facts GurielGuriceel جرعيل, Wadanka ...
Remove ads

Colaada

Magaaladan ayaa waxaa ka socday colaado tan iyo markii ay dhacday dowladdii hore ee Soomaaliya 1991-kii, 2006-dii, Midowga Maxkamadaha Islaamka (ICU) oo ahaa urur Islaami ah oo mintidiin ah ayaa la wareegay gacan ku heynta inta badan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya , oo ay taageerayso Itoobiya, waxay jabisay Maxaakiimta dabayaaqadii 2006. Sanadkii 2007, Al-Shabaab , oo ah koox Islaami ah oo Islaami ah oo ku dhalatay Koonfurta Soomaaliya, ayaa weerartay Guriceel, laakiin kooxda deegaanka ee Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) oo jawaab celin u dhalatay ayaa la wareegtay Guriceel sanadkii 2010. Si kastaba ha ahaatee, dagaalka u dhexeeya ASWJ iyo Al-shabaab ma uusan joogsan intaas ka dib, waxaana sidoo kale soo dhexgalay ciidamada Itoobiya. Intaa waxaa dheer in Galmudug oo ah maamul goboleed laga sameeyay bartamaha Soomaaliya, ay ku biirtay dagaalka magaca ciidamada dowladda Soomaaliya. Bishii Oktoobar 2021, dagaal kale ayaa dhex maray ASWJ iyo Galmudug, waxaana ku barakacay inta badan dadkii degganaa Guriceel (5,000 guri, 20,000 oo qof). Isbitaalka weyn iyo isbitaalka bulshada ayaa labadaba ku burburay dab iyo duqeyn. Dhammaadkii sanadka, dad lagu qiyaasay 120 qof ayaa ku dhintay dagaalkan is daba jooga ah ee dhawaan dhacay.

Remove ads

GOOBAHA UGU CAANSAN GURICEEL Ee Dhalinyaradu kukulmaan

1:Baararka

2:Tuula Gaban

3:Bostejo Dabare

4:Shimbira oonshe

4:Quraca Xadiya Cad

Dhaqaalaha

Guriceel waa magaalo sida magaalooyinka kale ee gobolada dhexe dhaqaaleheedu ku tiirsanyahay Xoolaha nool iyo tijaarada kalaba. Guriceel waxey ku taalaa bartamaha Soomaaliya, taas oo la dhihi karo waa buundo bariyeed isku xirta ganacsiga gobolda Wuqooyi, bari iyo kuwa koofureed ee wadanka. Magaalda Guriceel, iyadoo cimri ahaan iska yar, ayaa hadana dhaqaaleheedu waxa uu yahay Degmada ugu dhaqaalaha badan gobolka galgaduud taasoo laga dareemi karo horumarka magaalagu ku talaabsanayso taasoo aad ku arkaydo daafaha magaalada dhismeyaal aad u waawayn oo ay maal gashadeen jaaliyadaha debeda kadib markay soo jiidatay horumarka ay ku tilaabsatay. magaaladu waxay leedahay ganacsiyaal waawayn oo iskugu jira shirkado ganacsi iyo kuwo gaar loo leeyahay sida shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha dhismada, ceelasha biyaha iyo schooladka oo iskugu jiray hoose dhexe iyo sare iyo jaamacado sida bariga afrika university iyo sentral university. haddii aad magaalada dhex marto waxaad arkaysaa suuqyada oo aad u camira sida baqaarada, xawaaladaha, bacadleyaasha iyo dhamaan qalabyada Electronikada. waxaad arkaysaa maqaayado casri ah iyo hoteelo u dhigma kuwa dunida horumaray. guriceel waxaa liis loogu jiraa engineerada guryaha dhisa inbadana waxaad arkaysaa dhismeyaal cusub oo meelkasta ka socda iyo dabaqyo aan horay looga baran. shirkadaha xoolaha dhoofiyo waxay ku leeyihiin xaafiisyo waawayn oo maalinkasta laga dhoofiyo xoolo u badan ari taasi oo dhaqaalaha deegaanku aad ugu tiirsan yahay. Guriceel waxaa degan Hayádo badan oo iskugu jira UN iyo international organsizations waxaana ka mid ah Hay'adda caalamiga ah ee MSF, ACF, SAVE THE CHILDERN iyo dhamaan Hayádaha UN ka sida wfp, who, uniceif, unhcr, iyo coopi international. sidoo kale waxaa ka hawl gala ururda wadaniga ah ee kala BRADO, SAHED iyo APCC,oo dhamaantood dadka deegaanka u qabtay gargaar iskugu jira badbaadin iyo horumarin. abdisamad nuur jaako.

Siyaasadda

Magalada guriceel waa magaalo kobaceedu si haarsare ah ku socdo, cimri ahaana waa magaalo la dhihi karo waxay hano qaaday , waqtigii la dhisaayay laamiga dheer oo bari iyo koofur isku xira ee magaalada dhex mara.

Magaaladaan waxay isku xiryaa ganacsiga xoola , sida ariga jarka ah , oorta beeca ah , lo'da dibida , waana magaalo si toosa ugu xiran dekeda berbera oo , xoolaheeda laga raro. Waxay suuq xoolaad u tahay guud ahaan gobolka galgaduud , qaybo badanoo hiiraan ka mida , iyo dhulka soomaali galbeed , o ganacsigeeda xoolaha usoo iib geysata Guriceel.

Thumb
Laamiga guriceel gala

guriceel waa magaalo isku xirta gobolada dalka gaar ahaan gobolkan gal gaduud guriceel dadka kunool waxay caan ku yihiin nabada iyo badbadinta nolosha admiga waxay kaloo caan kuyihiin soo dhawaynta iyo ixtiramka dadka martida ah waxaa kajira nidamka dimuqradiga ah oo qofku siduu dono ayuu ushaqaysanayaa nabad galyo waxay leedahay aqoon yahaniin caan ku ah hormarinta bin adamka iyo tageerida dadka da da ayar oo sookoraya donayana waxabarashada.

Magaalada gurceel waxey ka mid tahay magaalooyinka sida xooga hormurka Soomaaliya uga socdo marka loo eego magaalooyinka Soomaaliya oo dhan xaga wax barasha, xag cafimaad iyo dhaqaale waxaana hada aad si xoowli ah waxl ooga bartaa jaamacado aad u heer sareeyo iyo waxa ay kaloo magaalada leedahay airoport aad loo qalabeeyay oo diyaarada caalamiga isticmaalaan

Remove ads

Sawirro Hore 10 naan sano kahor!!

Sidoo kale waxa ay si aad ah ugu sooobadaa fahanka iyo istinaalka qalabka electronics-ka sida moobelada gacanta

Ugu taraan magaalada guriceel waxaa hada kutaalo 10 carwo oo lagu iibiyo qalabka electronics -ka ah iyo 6 qeybood oo farsamo

Tixraac

"Ururka Maxkamadaha Islaamka"

"Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud waxaa maanta lagu soo gebagebeeyay shir maalmahan halkaas uga socday ururka Ahlu-sunna wal jamaaca oo lagu doortay maamul cusub"

"Somalia: Ciidamada Itoobiya Oo Gaadhay Guriceel Tobaneeyo Tiro Ah"

"Soomaaliya: Maamulka Degmada Guriceel Oo Ballan Qaaday In Ay La Bahoobeen Ciidamada Itoobiya"

"DOWLADDA SOOMAALIYA IYO AHLUSUNNA OO KU DAGAALLAMAY DHUUSAMAREEB IYO GURICEEL"

"Dagaal u Ciidamada Dowladda iyo Ahlusuna oo ka socda Guriceel"

"Colaadda Soomaaliya way sii xumaanaysaa: 'Waan ognahay in al-Shabaab ay ka faa'iidaysan doonto"

"Ahlu-sunna oo qabsaday magaalada Guriceel"

Remove ads

Xiriirinta dibadda

Guriceel, Galgaduud, Soomaaliya

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads