Liiska Hayadaha Qaramada Midoobay
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Wakiilada Khaaska (Af Ingiriis : Specialized agencies) sidoo kale loo yaqaano Hay'ad Khaas waa ururo wakiil iskeed isku maamusha kuwaasi oo hoostaga Qaramada Midoobay iyo midba kooxda ay ku xidhan tahay ee dhaqaale iyo saamiyad la wadaagto iyo shaqo intaba. Inta ugu badan hayadaha u adeega Qaramada Midoobay waxay si toos ah ama dadban u hoostegaa xafiiska Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay halkaasi oo ay warbixin siiyaan ama ka warqaataan Xoghayaha Guud ee Waaxda Iskuxidhka.[1] Wakiilada khaaska ah waxay iskugu jiraan kuwo ay abuurtey Qaramada Midoobay iyo kuwo ururo kale sameeyeen laakiin waxay dhamaan ku shaqeeyaan nidaamka Qaramada Midoobay kaasi oo saldhig u yahay Dastuurka Qaramada Midoobay. Wakhti xaadirkan (2015) guud ahaan waxay Qaramada Midoobay leedahay 15 haayadood[2][3] khaas ah kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan ayagoo matalata Qaramada Midoobay.
Hadaba 15ka wakiil khaaska ahi waa kuwan:[4]
Remove ads
Ururka Cuntada iyo Dalaga Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : Food and Agriculture Organization of the United Nations, loo soo gaabiyo: (FAO); Af Carabi : arā) waa wakiil khaaska ah Qaramada Midoobay kaasi oo hogaamiya dadaalka ka hortaga iyo cidhibtirka gaajada aduunka. Hayadani waxay si siman ugu adeegtaa wadanada horumaray iyo kuwa soo koraya, waxayna ka shaqeeysaa in si cadaalad ah umaduhu u qeeybsadaan kheyraadka isla markaana galaan heshiisyo loo dhan yahay. Intaas waxaa dheer, hayada Cuntada iyo Dalaga (beeraha) waxay wadano badan oo caalamka ah ka caawisaa (xag aqoon iyo talobixin) horumarinta beeraha, keymaha iyo kheyraadma kaluumaysiga si markaa shacabku u helaan cuntooyin nafaqo leh isla markaana amaan ah.
Remove ads

Ururka Adeega Duulista Caalamiga (Af Ingiriis : International Civil Aviation Organization) waa hayad khaas u qaabishan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah. Astaanta ururkan waa I C A O oo laga soo gaabiyay magaca. Waxaa la sameeyey 4 Abril, 1947 waxaa xarunta uguwayn kutaalaa wadanka Kanada, shaqadeeduna waxa ay tahay habaynta iyo iskudubaridka howlaha duulimaadyada si looga nabadgalo dhibaato ka dhacda howlaha duulimaadyada.
Remove ads
Wakiilada QM iyo Ururo La Xidhiidha
Remove ads
- Qaramada Midoobay
- Bankiga Aduunka
- Ururka Caafimaadka Aduunka
- Hayada Cuntada Aduunka
- UNESCO
- UNICEF
- ICAO
- WHO
- WFP
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads