Sigaar

waa maado maan doorisa qufka. From Wikipedia, the free encyclopedia

Sigaar
Remove ads

Sigaar (ingiriis: Cigarette) waa buuri ku duuban warqad khafiif ah kaas oo la cabo qiiqiisa. Sigaarka oo u sameeysan qaab dhuuban ayaa hal dhinac dab laga qabadsiiyaa isla markaana laga nuugaa dhinaca kale, taas oo qiiqu tago sambabada qofka cabaya.

Thumb
Qaar ka mid ah sigaarka maanta dunida laga cabo.
Thumb
Baakadh sigaar ah

Buuriga ama tobaakada sigaarku ka kooban yahay aad ayay u kala duwan tahay waanay kala qadar iyo halis badan tahay.

Sigaarku waxa uu ka mid yahay mukhaadaraadka, sababtoo ah waa wax lala qabsado oo qofka isticmaalo mar kasta u baahan yahay.

Cabitaanka sigaarku waxay keentaa xanuuno badan, isla markaana bur-burisaa dhaqaalaha qofka isticmaala.

Buuriga laga sameeyo sigaarka waxa ku jira kimikooyin badan ooy ka mid tahay Nicotine, taas oo ah daroogo halis ah oo waxyeeleeysa caafimaadka qofka isticmaalaya.

In ka badan 60% dadka caba sigaarka waxay u dhintaan xanuuno la xidhiidh sigaarka. Isticmaalka sigaarka wuxuu keenaa cimri deg-deg, midabka oo is-bedela, ilkaha oo casaada iyo xanuuno badan oo halis ah sida xanuunka "Kansarka" sambabada, kansarka dhuunta, kansarka faruuryaha iyo kuwo kale oo badan.

Dumarka sigaarka caba wakhtiga eey uurka yihiin waxay keentaa ineey dhalaan ilmo aad u liita oo misaankiisu ka hooseeyo ilmaha eey dhasho hooyo aan sigaar cabin.

Sidoo kale, neefsiga qiiqa sigaarka qof kale cabayo ayaa iyadna keenta xanuuno dhibaato u geeysan kara qofkaas. Taasi waa sababta looga mamnuucay in sigaar lagu cabo meelaha bulshadu iskugu timaado.

Markaa haddii aad sigaar cabto iska jooji, haddii aanad cabin iska ilaali in aad neefsato qiiqa sigaar qof kale cabaayo sababto ah adiga dhib ayaa ku soo gaari karta.

W/Q; Mohamed Hassan Abdulle Bakaal

Remove ads

Taariikhda Maxamed Xasan Cabdulle Bakaal

Waxa la sheegaa in qarnigii 9aad eey qabiilo ka mid ah beelahii degenaa Waqooyiga Ameerika sida qabiilka Maaya loo yaqaan iyo Aztecs isticmaali jireen buuriga ama tobaakada sigaarka laga sameeyo.

Waxay ahay qarnigii 17aad markii buuriga sigaarka la keenay qaarada Yurub halkaas oo loo farsameeyay qaabka aan maanta u naqaano sigaarka.

Sigaarka intiisa u badan waxaa dunida gaadhsiiyay gumeeystayaashii reer Yurub.

Remove ads

Isticmaalka Sigaarka

Thumb
Meherad sigaarka lagu iibiyo

Sanadkii 2002da tirokoob la sameeyay waxaa lagu ogaaday in qiyaastii 5.5 tiriliyan oo Sigaar ah warshadaha Sigaarku soo saaraan sanadkiiba; taaso oo eey cabaan in ka badan 1.1 bilyan oo dad ah.

Inkastoo tirada cabitaanka sigaarka ee wadanada horumaray hoos u sii dhacayso, waxaa si xawaare badan u sii kordhaysa tirada dadka sigaarka caba wadanada soo koraya.

More information Boqolkiiba inta Cabta, Gobol ...
Remove ads

Dhaqaalaha & Sigaarka

Warshado badan ayaa sameeya isla markaan dhoofiya Sigaarka.

|| || || || || || || ||

More information Wadan, Dadka Caba (milyan) ...

Ganacsiga Sigaarka

Sigaarka waxaa laga sameeyaa caleemaha iyo laamaha geedka buuriga, kuwaas oo laga beero meelo badan oo kala duwan.

In ka badan, 70% caleenta buuriga la soo saaro dunida waxaa laga sameeyaa sigaar.

Soo saarida buuriga aduunku 40% ayuu kacay intii u dhaxaysay 1971kii oo 4.2 milyan ton la soo saari jirey, iskuna bedeshay 5.9 milyan ton sanadkii 1997ka, iyo 7.1 milyan ton sanadkii 2010ka. Sidoo kale, wadano cusub ayaa ku soo biiray suuqa buuriga aduunka oo marka hore u xidhnaa wadano reer Yurub iyo labada Ameeriko. Wadano badan oo dunida soo koraysa ah ayaa bilaabay beerista iyo soo saarista buuriga.

Soo saarka buuriga ee wadanka Shiinaha ayaa kordhay 17% sanadkii 1971 ilaa 47% sanadkii 1997, sababtoo ah qiimaha badeecadooda ayaa aad u hoosaysay.

Guud ahaan, dunida waxaa la soo saaraa 6.7 milyan ton oo buuri ah. Wadanada ugu sareeya saarka buurigu waa Shiinaha (39.6%), Hindiya (8.3%), Brasil (7.0%) iyo Maraykanka (4.6%). Dhinaca kale, waxaa jira wadano badan oo tiro yar oo buuri ah soo saara. Kuwaas waxaa ka mid ah: Filibiiniska, Ruushka iyo Turkiga.

Shirkadaha Soo Saara

Warshado badan ayaa sameeya isla markaana ka ganacsada sigaarka. Liiska Shirkadaha ugu horeeya soo saarida iyo dhoofinta sigaarka waxaa ka mid ah:

  • 520
  • 555
  • Ashford
  • Army Club
  • Basic
  • Benson & Hedges
  • Camel
  • Capri
  • Chesterfield
  • Davidoff
  • Dunhill
  • Djarum
  • Doral
  • du Maurier
  • Eclipse
  • Eve
  • Export A
  • Fatima
  • Fortuna
  • Gauloises
  • Gold Flake
  • Gold Leaf
  • John Silver
  • Kyriazi freres
  • Kent
  • Kool
  • Lambert and Butler
  • L&M
  • Lark
  • Level
  • Lucky Strike
  • Marlboro
  • Max
  • Mayfair
  • Merit
  • Mild Seven
  • More
  • Nat Sherman
  • Natural American Spirit
  • Newport
  • Next
  • Nil
  • Old Gold
  • Pall Mall
  • Parliament
  • Perilly's
  • Peter Stuyvesant
  • Philip Morris
  • Pyramid
  • Player's
  • Prince
  • Salem
  • Sampoerna
  • Seneca
  • Sobranie
  • Tareyton
  • Vantage
  • Viceroy
  • Virginia Slims
  • Woodbine
  • Winfield
  • Winston

Qiimaha Sigaarka

More information Wadan, US$/20 Baakidh ...

Wadanada Dhoofiya Sigaarka

Remove ads

Waxyeelada Caafimaadka

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads