Webiga Mississipi
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Webiga Mississippi (ingiriis: Mississippi River; carabi: نهر المسيسيبي) waa webiga ugu weyn ee dhexmara qaarada Waqooyiga Ameerika.[3][4] Webigan wuxuu dhexmaraa gobolo badan oo wadanka Maraykanka ah ilaa uu ka gaadho biyo-xidheen ku yaala wadanka Kanada xaga waqooyi; iyo Gacanka Meksiko xaga koonfureed. Webigu wuxuu ka soo bilaabma Harta Itasca oo biyaha bada ka sareeysa 1,475 feet (450 m) kuna taala Kaleer County, Minnesota. Kor iyo hoos webiga Mississippi wuxuu dhex maraa ilaa 31 gobol oo ka mid ah wadanka Maraykanka, kuwaasi oo dhamaantood uu kaga tego biyo-xidheeno, harooyin iyo webiyo yaryar.
- Kani waa maqaal ku saabsan webiga Mississipi ee dhexmara Minnesota, Maraykanka. Haku khaldin Gobolka Mississippi iyo Webiga Mississippi Kanada.
Remove ads
Webiga Mississippi waa kan 4aad ee ugu dheer iyo midka 10aad ee ugu weyn webiyada caalamka. Sidoo kale webigani wuxuu xad la leeyahay ama dhex maraa dhamaan goboloda ka tirsan Maraykanka ee: Minnesota, Wisconsin, Iowa, Illinois, Missouri, Kentucky, Tennessee, Arkansas, Mississippi, iyo Louisiana.

Dadka loogu tegay qaarada Ameerika ee lo yaqaano "Hindida Cas" ayaa wakhti aad u dheer garab deganaa webiga Mississippi ayagoo ku manaafacaadsan jirey biyaha webiga. Sidoo kale maadaama ay badankoodu ahaayeen ugaadhsato ama qadhaabsato waxay ka qaraaban jireen webiga jaankiisa ama ka guran jireen midhaha. Mudo ka dib weey garab dageen webiga ayagoo ku dhaqanaya xoolo iyo beero yaryar. Nolosha qabiilada Hindida Cas ee ku dhaqnaa webiga Mississippi dhinaciisa waxay isbedeshay goortii ay yimaadeen sahamiyayaashi gumeystaha reer Yurub, iyo goortii degitaanka iyo isku fidinta dowlada Maraykanka. Waxaa lagala wareegay harooyinka iyo biyo-fadhiga webiga iyo deegaano badan ooy ku dhaqnaayeen.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads