Laasqoray (Af Ingiriis : Las Khorey, Af Carabi : ar Lāsqoray) waa magaalo xeebeed qadiimi ah taasi oo ku taal bariga gobolka Sanaag ee waddanka Somaliland. Magaalada Laasqorey waxaa ku taala Dekada Laasqorey oo ka mid ah dekedaha ugu da'da weyn deegaanka Geeska Afrika.

Quick Facts LaasqoreyLas Khorey لاس قُرَي, Wadanka ...
Laasqorey

Las Khorey

لاس قُرَي
Magaalo
Thumb
View of a residential area in old Las Khorey.
Thumb
Laasqorey
Laasqorey
Location in Somaliland
Coordinates: 11°11′N 48°13′E
Wadanka Somaliland
GobolkaSanaag
DegmoDegmadda Laasqoray
Tirada dadka
  Dhammaan53,000
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Close

Taariikh ahaan, magaalada Laasqorey waxay xarun u ahaan jirtey Saldanadii Warsangaliga.

Faallo

Laasqoray waa magaalo xeebeed oo ku taalo gobolka Sanaag ee waddanka Soomaaliya. Magaaladaan aad iyo aad ayuu u jawi wanaagsan yahay, waxaana magaaladu ay leedaahay warshada caanka ah ee kaluunka.

Taariikh

Saldanadii Warsangaliga waxay ahayd boqortooyo Soomaaliyeed taasi oo u talin jirtey deegaano badan oo ka mid ah waqooyibari iyo koonfurbari wadanka maanta loo yaqaano Soomaaliya.[1] Saldanadani waa midi ugu awood badneyd ee ka arimisa deegaanadaasi, waxaana saldhigyadeeda ugu waaweyn ka mid aahaa gobolka Sanaag iyo dhamaan deegaanada hoos yimaada gobolka Bari. Sidoo kale waxaa saldanadan hoos iman jirey dhamaan deegaanada maanta loo yaqaano Maakhir.

Saldanada Warsengali waxaa la aasaasay dhamaadkii qarnigii 13aad, deegaanada waqooyiga Soomaaliya. Waxaa rukunada u dhigay saldanadani dad badan oo deegaanka ku dhaqan, waxaase lafdhabar u ahaa beesha Warsangali oo qeyb ka ah beelweyta Daarood.

Thumb
Warsangali Sultanate in 1857.

Dekada Laasqorey

Dekada Laasqory waa dekad ku taala xeebta magaalada Laasqorey, Somaliland. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn ee mashquulka badan Geeska Afrika.[2]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

  • Liiska magaalooyinka Somaliland
  • Liiska magaalooyinka Somaliland dadka ku nool

Tixraac

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.