Chicago
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Chicago, Shikaago, Jikaago (loogu dhawaaqo
i/
kɑːɡoʊ/
ama
/
kɔːɡoʊ/
) waa caasimada sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka. Magaalda Jikaago waa deegaanka ugu dadka badan gobolka Illinois iyo deegaanka "Midwest", taas oo leh shacab dhan 2.7 milyan.[4]
Dhinaca kale, marka la isku daro magaalada Chicago iyo nawaaxigeeda, taasi oo loo yaqaano "Chicagoland", waa deegaanka sadexaad ee ugu wayn wadanka Maraykanka, waxaana degan dad ka badan 10 milyan. Shikaago waxaa la aasaasay sanadkii 1837kii, laakiin waxay aad u kortay horaantii qarnigii 19aad. Horumarka iyo koritaanka magaalada waxaa aad uga qeyb qaatey harta Great Lake iyo webiga Mississipi. Shikaago waa fadhiga dowlada "Cook County" ee ugu weyn gobolka Illinois..[5][6]
Maanta magaalada Shikaago waa xarun weyn oo ganacsi, dhaqaale, warshado, shirkado, teknoolojiyad, isgaadhsiin, iyo gaadiid; waxayna leedahay Gegada diyaaradaha O'Hare ee caalamiga ah (" O'Hare International Airport")[7] kaasi oo ah gegada diyaarada ugu weyn ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, caasimada Shikaago waxaa ku yaala wadooyinka (highways) iyo wado-tareenka (railroads) ugu waaweyn wadanka Maraykanka. Sanadkiii 2014ka waxaa loo aqoonsaday magaaladan ineey tahay caasimada 14aad[8] ee ugu weyn caalamka, tan 7aad ee ugu dhaqaalaha badan, iyo tan sadexaad ee ugu lacagta badan wadanka Maraykanka ayada oo heeysata ama maamusha lacag dhan 571 bilyan dollar.[9][10]
Intaas waxaa dheer in magaalada Shikaago tahay mid ka mida goobaha soo jiidasha badan ee wadanka Maraykanka; sanadkii 2014ka oo kali ah waxaa soo siyaartey magaaladan dad ka badan 50.2 milyan oo dad iskugu jira ajanabi iyo kuwa wadanka u dhashay. Sabata keentay dalxiisayaasha badan waxaa ka mid ah dhaqanka iyo bulsho weynta magaalada oo ah mid aad iskugu dhafan oo leh noocyo badan oo matala dhaqanada dunida daafaheeda. Waxyaabaha ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah: shaneemooyinka waaweyn, heesaha Jazzka, Soulka iyo bluega. Waxaa sidoo kale magaadu caan ku tahay dadka Madoow (African American) ee ku dhaqan magaalada; kuwaasi oo ah tirada ugu badan shacabka Shikaago iyo nawaaxigeeda.[11]
Caasimada Shikaago waxay leedahay naaneyso badan ooy ka mid tahay "Caasimada Dabeysha" (sababtoo ah waxay leedahay dabeyl aad u badan oo gu' iyo jiilaal soo taagan), "Caasimada Labaad" iyo naaneyso kale oo la xidhidha dhaqanka iyo taariikhda deegaanka.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads