Canbuulo
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Canbuulo, Fuul (Af Carabi : ar, Af Ingiriis : Ful medames; loogu dhawaaqo: fūl midammis , fuːl meˈdæmmes) waa cunto laga diyaariyo digir waweyn, saliid, xawaash, liin qarboosh, basal, kamsar, toon, iyo basbaas. Sidoo kale waxaa marka la karinayo lagu daraa noocyo kale oo cunto ah si dhadhanka loo macaaneeyo. Sidoo kale, cuntadan fuulka waxaa lagu qasaa suugada midaasi oo lagu darsado noocyada kala duwan ee raashinka. Fuulka ama canbuulada waxaa loo diyaariyaa noocyo kala duwan. Deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto waxaa fuulka lagu kariyaa biyo, milix iyo saliid kaliya; marka ay bislaato waxaa lagu darsadaa subag, saliid macsar, sonkor, malab iyo caano. Intaas waxaa dheer in fuulka loo diyaarin karo qaabka suugada ayadoo la shiilayo.
- Boga "fuul" waxaa laga soo toosiyay halkan.

Guud ahaan cambuulada waxaa laga cunaa meelo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah.[1]
Remove ads
Qaar ka mid ah qoraaga caalamka waxay sheegeen in fuulka laga beeran jirey deegaanada Masartii hore iyo nawaaxigeeda wakhti ku beegan qarnigii 5aad C.H.
Sidoo kale, cilmibaadhis arkiyooloji ah waxaa lagu ogaaday in wakhti imika laga joogo 2,600 sano ka hor in cambuuladu ka bixi jirtey deegaanka Nasareeth ee Bariga Dhexe.[2]
Inkastoo nafaqada cambuuladu ku tiirsan tahay nidaamka loo kariyo iyo waxyaabaha lagu daro, 200 giraam fuul ahi wuxuu leeyahay nafaqadan:[3]
- Kaloriy: 342
- Duxda (g): 27
- Baruurta (g): 4
- Kolestarool (mg): 0
- Kaarbonhydrate (g): 20
- Borotiin (g): 7
- Muuqaalada Cambuulada
- Step-by-step guide
- Ottolenghi, Yotam. "The perfect hummus debate", The Guardian, June 29, 2010.
- Cuisine and Culture: A History of Food and People by Linda Civitello
- Pictures and diagrams of beef cuts
- USDA recommended temperatures for beef Archived Luuliyo ama Luulyo 17, 2011 // Wayback Machine
- National Museum of Pasta Foods – Rome, Italy Archived Jannaayo 2, 2014 // Wayback Machine
- Pasta Facts – Facts about pasta
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads