Xaniid
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Xaniid (Af Ingiriis : beefsteak; Af Carabi : ar) waa hilibka waslada marka lagu shiilo dab kali ah. Sidoo kale xaniidku waa nooc ka mid ah hilibka xoolaha, gaar ahaan hilibka laga jaro garabka, jeeniga, lugta, dhabarka iyo meelaha leh jiidh saafi ah. Sidoo kale wasladu waa hilibka laga gooyo muruqa xoolaha kaasi oo leh waxyar oo baruur ah, laakiin inta badan jiidh saafi ah. Waslada waxaa laga diyaariyaa hilibka lo'da, geela, adhiga iyo doofaarka. Hilibka kaluunka iyo digaaga iyo shimbiraha laga sameeyn karo waslada.[1]
- Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Qoraalo kale fiiri waslad


Hilibka waslada marka la dubo (dab lagu shiilo) waxaa loo yaqaanaa xaniid. Sidoo kale, waslada waxaa laga diyaariyaa maraqa iyo suugada. Si taasi ka duwan, wadanada caalamka meelo badan waxaa waslada loo yaqaana hilib shiilan oo laga ilaaliyay biyaha kaasi oo laga sameeyay noocyo kala duwan oo xoolo ah.[2][3]
Remove ads
Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee waslada xaniidka, gaar ahaan wakhtiyada arooska, xaflada, dabaaldegyada, ciidaha iyo maalmaha la baashaalayo. Inta ugu badan waxaa lagu darsadaa cuntooyinka wakhtiga quraaca, qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Noocyada wasladu ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah xaniidka iyo waslada cad. Dadka Soomaalidu waxay waslada ku diyaariyaan hilib, khudaar, milix, saliid, biyo iyo xawaash kuwaasi oo si xirfad leh loo karkariyo ilaa ay gaadho heer nooca loogu talogalay ah.
Remove ads
- Waslad
- suugo xaniiid
- Muuqaalada Suugada
- Beefsteak
- Pictures and diagrams of beef cuts
- USDA recommended temperatures for beef Archived Luuliyo ama Luulyo 17, 2011 // Wayback Machine
- National Museum of Pasta Foods – Rome, Italy Archived Jannaayo 2, 2014 // Wayback Machine
- Pasta Facts – Facts about pasta
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads