Nuurudiin zanki
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Al-Malik Caadil Abul Qaasim Nuurudiin Maxamaxuud bin Camaadudiin Zanki (Afka Carabiga; الملكُ العادلُ أبو القاسمِ نور الدين محمود بن (عمادِ الدِّين زَنْكِي wuxuu ahaa mid ka mid ah hogaamiya yaasha muslimka ee ka hortageen la dagaalanka Saliibiyiinta kusoo Shaam, wuxuuna noolaa 1118 ilaa 1174, Dawlada Zankiyiinta ayuu ka talaiyay 1156 ilaa 1174
Horaantiisa
Bilaawga zankiyiinta
awoowga nuurudiin waxaa la oran jiray Aaq Sunqur, wuxuuna ka mid ahaa talyaasha sare ee suldaankii Salaajiqada Malik Shaah sanadkii 479H\1087 ayuu Malik Shaah u dhiibay magaalada Xalab, laakin markuu dhintay Malik Shaah Waxey isku dhaceen Tutush oo ahaa amiirka Dimishiq, Aaq Sunqur waxa oo ku dhintay dagaal dhacay 1094tii[1], wiilkiisa Camaadudiin Zanki xiligaa 10 sano ayuu jiray, wuxuu kusoo ag koray talyihii Mowsil karbogaa, suldaan Maxamuud ayaa xukunka Mowsil u dhiibay 1127, wuxuu fidiyay dawladiisa Xalab, Ximsa, xamaa iyo meelo kale oo badan ayuu ku daray[2].
barbaaritaanka nuurudiin
Nuurudiin wuxuu dhashay 17 bisha Soonfur 511H[3], waana kan labaad ee ilmaha Camaadudiin, waxaa ka weynaa Seefudiin Gaazi, ilaha taariikhda ma ayna sheegin koritaankiisa, balse waxey isku raaceen inuu kusoo ag koray aabihiis iyo in aabihiis ka hormari jiray walaalihiis kale, Nuurudiin wuxuu la jiray aabihiisa ilaa uu ka dhintay[4], madhabkiisa wuxuu ahaa xanafiya[5], caqiidada Ashcariya ayuuna heestay[6].
Remove ads
Qabashada xilka
Camaadudiin Zanki waxaa la dilay 541H\1146 dawladana waxey u qeysantay labo qeyb, Nuurudiin waxa uu qaatay Xalab iyo waxa ku hareersan, walaalkiis Seefudiin Gaazi waxa uu qaatay Mawsil iyo Ximsa, labada walaal waxey xad ka dhigteen wabiga khaabuur [7].
Qabsashada Dimishiq
Nuurudiin waxa uu rumeysnaa mideynta safka muslimiinta si loo wajaho damaca Saliibiyiinta, Dimishiq waxay ahayd dhagaxa hortaagan jidka midnimada, talyaheeda Muciinudiin Anar wuxuu ahaa inuu xiriir fiican la lahaa Saliibiyiinta, markii uu dhintay Mujiirudiin Abaq ayaa ku sii socday siyaasadiisa la dhaqmida Saliibiyiinta, bal waxa uu muujiyay dulinimo, wuxuu gaaray heer uu ogolaado reer Dimishiq inay siiyaan Saliibiyiinta jisyo sanadla ah, taas badalkeedna ay ku hoos noolaadaan ilaalinta Saliibiyiinta [8], Nuurudiin arintaas aad ayuu uga xumaaday, wuxuu xaalka sii darnaaday markii uu awoodi waayay inuu u gurmado Casqalaan oo gacanta Saliibiyiinta ku dhacday 548H maxaa yeelay Dimishiq ayaa ka hortaagnayd.
Sanadkii 549H waxey ahayd sanad kala baxnaan ah Dagaalada Saliibiyiinta markii uu galay Nuurudiin Dimishiq ka dib dalab uga yimid dadkeeda, waxa ayna ku midowday raayada muslimiinta ee dhulka Shaam hal hogaamiyo laga bilaabo Ruhaa waqooyi ilaa Xowraan koonfur.
Talyihii Dimishiq Mujiirudiin Abaq wuxuu ahaa inuu garab weydiistay Saliibiyiinta asigoona u balan qaaday inuu siiyo hanti badan sidoo kale Baclabek u dhiibo, laakin Nuurudiin ayaa soo dhaqsaday oo Dimishiq galay, Mujiirudiin waxaa laga siiyay Ximsa qeybo dhul ah, markii dambe hadana waxaa loogu badalay Baalis, balse wuu isaga tagay Baqdaad ayuuna dagay [9].
Remove ads
La dagaalanka Saliibiyiinta
Qabsashada Masar
Isku dayii koowaad
Masar waxaa ka jirtay Dawladii Faadumiyiinta oo markaas aad u liidatay, waxaa ka dhex jiray wasiirada Masar dagaalo iyo fitan badan heer ay Masar noqotay meel Saliibiyiinta damac ka galo [10], Nuurudiin asna riyadiisa waxay ahayd Masar iyo Shaam in hal dawlad oo ku kulmiyo si loo wajaho Saliibiyiinta[1], labo wasiir oo la kala dhaho Dirgaam iyo Shaawar ayaa ku loolan sanaa Masar waxaana adkaaday Dirgaam, Shaawar wuxuu garab ka doontay Nuurudiin waxa uuna balan qaaday in uu siiyo sedex meelood meel dhaqaalaha Masar[6], Nuurudiin ayaa u diray Masar talyihiisa Asadu-Diin Shiirkuu iyo ciidan badan sanadkii 559H\1164, Salaaxudiin ayaana qeyb ka ahaa ciidanka, Dirgaam asna Saliibiyiinta ayuu ka hiil doontay[7], labada ciidan ayaa ku kulmay Qaahiro agteed Dirgaam ayaa laga adkaaday oo la dilay, laakin Shaawar ayaa qiyaano sameeyay oo balantii ka baxay, waxa uu ka dalabay Asadu-Diin Shiirkuu inuu ciidankiis kala baxo Masar, Shiirkuu ayaana diiday, Shaawar oo wehliyaan ciidamada Saliibiyiinta ayaa ku go'doomiyeen ciidankii Shiirkuu magaalada Balbiis[11], Nuurudiin ayaa ku weeraray Saliibiyiinta Shaam soo uga fududeeyo go'doominta ciidankiisa waxa oo ku jabiyay Dagaalkii Xaarim oo madax badan uga qabtay[12], ugu dambeyn Shiirkuu ayee kala hadleen inuu laabto jidkana u furaan asna wuu yeelay[13].
Isku dayii labaad
Asadu-diin shiirkuu ayaa aqbali la'aa waxa ka soo gaaray Masar in badan ayuu ku celceliyay Nuurudiin inuu ku laabto masar, sanadkii 562H ayuu helay fasax, wuxuu u baxay Masar, Shaawar ayaa ka hiil doontay saliibiyiinta, Shiirkuu ayaa ku jabiyay Saliibiyiinta Dagaalkii Baabeen 1167 wuxuu qabsaday meelo meelo badan oo Askandariya ku jirto, Saliibiyiinta ayaa ku go'doomiyeen ciidankiisa Askandariya in mudo ah, markale wuxuu ku qasbanaaday inuu dib u soo laabto[14].
Isku dayii sedexaad iyo guusha
sanadkii 564H\1168 saliibiyiinta ayaa markaan soo weerareen Masar waxey ka geesteen Balbiis xasuuq argagax leh[15], Shaawar oo iska waayay tabar ayaa gubay Fusdaad [16], khaliifka Faadumiyiinta Al-Caadid li dini laah ayaa ka dalbay Nuurudiin inuu soo gaaro, Shiirkuu ayaa mar kale u dhaqaaqay Masar saliibiyiinta ayuu buriyay, Shaawar ayuu ka dareemay qiyaano wuxuu amray in la dilo [17] khaliifka Faadumiyiinta ayaa ka dhigtay Shiirkuu wasiir balse laba bil ka dib wuu dhintay, Salaaxudiin oo ahaa walaalkiis wiil uu dhalay ayaa badalay oo noqday wasiirka Masar[18].
Salaaxudiin ayaa bilaabay inuu Faadumiyiinta meesha ka saaro wuuna ku guuleestay sanadii 567H\1171 [19], madhabka shiiciga ee Masar ka jiray wuxuu ku badalay madhabka suniga [20] madarasooyin lagu barto ayuuna dhisay[21].
Remove ads
Dhimashadiis
Wax qabadkiisa
Tilmaamihiisa
xigasho
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads