Salaaxudiin al-Ayyuubi

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Salaaxudiin Yuusuf bin Ayuub bin Shaadi bin Marwaan Suldaankii Masar iyo Shaam (1138-1193) waxa uu ahaa hogaamiye islaami ah oo ku caan baxay dagaaladii uu la galay Saliibiyiinta ee kaga soo ceshaday dhulalkii ay ka qabsadeen Shaam, Sidoo kale Salaaxudiin waxa uu ka taqalusay Dawladii Faadumiyiinta ee Masar ka talin jirtay, waxa uuna xukunkiisa ku mideeyay Shaam iyo Masar, Dhimashada Nuuradiin Zanki ka dib wuxuu aasaasay Salaaxudiin Dawaladii ayuubiyiinta ee xukunkeeda ku fidsanaa Shaam, Masar, Xijaas, Yaman iyo qeybo ka mid ah Magrib.

Quick Facts Suldaanka Ayuubiyiinta, mudada xukunkiisa ...

Wuxuu ku dhashay magaalada Tikriit ee wadanka Ciraaq 1138 miilaadigii, Qoyskiisa ayaa ahaa asal ahaan kurdi, Dimashiq ayeena u soo wareegeen mar dambe, waxa ayna ahaayeen aabihiis iyo adeeriis taliyaal sare oo ka tirsanaa ciidankii Suldaanka Dimishiq Nuuradiin Zanki. Salaaxudiin dhalinyaranimadiisii ayuu asna ku uu ku biiray ciidamada boqorkaas, kadib boqorku waxa uu ku daraya ciidamo wadanka Masar aadayay kaalmo ahaan, markii ay guuleysteen Kadib wuxuu noqday Asadu-Diin adeerka Salaaxudiin oo ahaa taliyihii watay ciidankaas wasiirka dhabta ah ee Masar, adeerkii mudo yar kadib wuu dhintay Salaaxudiin ayaana buuxiyay booskiis oo qabatay awoodii xukunka Masar, isaga oona sii xoojiyay awoodiisa ilaa uu ka Afgambiyay dawladii Masar 1169. Markii uu dhintayna Nuuradiin Salaxudiin wuu sii blaaarshay dawladiisa wuxuuna ku soo daray dhulka Shaam, intaas ka dib Salaaxudiin waxa uu xooga saaray Siliibiyiinta oo dagaalo badan uga adkaaday Dagaalkii Xudiin ee dhacay 1187dii ayuuna ka soo hooyay guushiisii ugu weyneed waxaana mirihiisa kamid ahaa inuu dib u soo furtay Qudus bishii Oktoobar ee isla sanadkaas. Qaarada Yurub ayaa waxaa gilgilay guulaha Salaaxudiin Boqorkii ingiriiska Richard lion heart iyo Boqrkii faransiiska Filibka labaad iyo Bqorkii Jarmalka Fredrik Barboosa ayaa soo abaabuleen weerarkii seddexaad ee Siliibiyiinta (1189-1192) balse Salaaxudiin wuu ka hor istaagay Inay soo ceshadaa Qudus. Ugu dambeyn Salaaxudiin waxa uu ku dhintay Dimishiq 1193dii isaga oo da' yar (qiyaastii 55 sano jir ah) mana uusan ka tagin hanti badan oo laga dhaxlo.

Remove ads

Dhalashadiisa iyo asalkiisa

Salaaxudiin waxa uu ku dhasahy magaalada Takriit (Ciraaq maanta)sanadkii 532H/1138, Magaciisa gaarka wuxuu ahaa "Yuusuf bin Ayuub"; Salaaxudiin waa naaneys sharafeed oo macnaheed yahay "Toosnaanta diinta"

Waxaana muran badan la geliyaa asalka qoyska Salaaxudiin, balse waxaa loo badan yahay inay ahaayeen Kurdi. Waxaa la sheegaa Najmu-Diin Ayuub aabaha Salaaxudiin iyo walaalkiis Asadu-Diin Shiirkuu iney degi jireen magaalada Duweyn ayagoo markii dambe u soo wareegeen Ciraaq, Najmu Diin ayaana la shaqeeyay taliyhii Salaajiqada ee Ciraaq Mujaad-Diin Bahruuz kaas oo u magacaabay maamulka Tikriit.

wuxuu Najmu-Diin wajahay eedeymo kala duwan sida inuu caawiyay talyihii Mowsil Camaadu-Diin Zanki markii lagu jabiyay dagaalkii uu la galay khaliifka Cabaasiyiinta 525H iyo walaalkiis Asadu-Diin oo taliye sare oo isku dhacayn ku dilay Takriit, waxaana sidaas looga qaaday xilkii uu ka haayay Tikriit 532H

Sida la sheego isla habeenkii uu dhashay Salaxudiin ayaa Najmu-Diin laga qaaday xilkii uu ka haayay Tikriit[1], waxeyna go'aansadayn asaga iyo walaalkiis Asadu-Diin inay u qaxaan dhankaa iyo Mowsil oo markaa maamulaayay Camaadu-Diin Zanki [2]. Camaadu-Diin ayaa si fiican u soo dhaweeyay waxa uuna siiyay deegaano, sidaas ayeena ku bilaabeen iney u la shaqeyaan si daacad ah, wuxuuna ugu abaal guday Camaadu-Diin inuu u magacaabay Najmu-Diin magaalada Baclabek ka dib qabsashadiisa 532H [3], halka Asadu-Diin uu ka yeelay talyaha guud ee ciidankiisa.

Thumb
sawir gacmeyd saliibiyiinta ka sameeyeen Nuurudiin suldaanka Xalab iyo Dimishiq

Markii la dilay Camaadu-Diin 541H waxey la sii shaqeeyeen wiilkiisa Nuuradiin Zanki, Najmu-Diin ayaana ahaa inuu ka gacan siiyay qabsashada Dimishiq 549H

Salaaxudiin wuxuu ku barbaaray magaalada Dimishiq oo Caruurnimadiisa ku qaatay, Waxa uuna bartay culuumta kala duwan oo meel fiican ka gaaray, si gaar ah culuumta diiniga iyo Fiqiga islaamka, Xisaabaadka iyo Luuqada Carabiya iyo gabayadeyda. Nuuradiin wuxuu ahaay inuu saaid u jeclaaday salaaxudiin uuna soo dhaweyn jiray, waxa uuna ku yeeshay saameyn xoogan shaqsiyada Salaaxudiin

Remove ads

Ka qeyb galkiisa weerarkii Masar

Weerarkii koowaad Sanadkii 1164

Thumb
sawir soo koobaya siday u dhacay weeraradii Masar

Dawladii Faadumiyiinta ee Masar ka jirtay waxey mareysay waayaheydii u dambeeyay, waxaana sii wiiqay awoodeed wasiirada Masar oo dagaalo iyo fitan badan u dhaxeysay, heer ay Masar noqotay meel Saliibiyiinta damac ka galo [4], Nuurudiin asna riyadiisa waxay ahayd Masar iyo Shaam in hal dawlad oo ku kulmiyo si loo wajaho Saliibiyiinta[5], labo wasiir oo la kala dhaho Dirgaam iyo Shaawar ayaa ku loolan sanaa Masar waxaana adkaaday Dirgaam,

23ka bishii Soonfur 558H ayuu Shaawar soo gaaray magaalada Dimishiq isagoo taageero ka dalbanaya Nuurudiin wuxuuna u balan qaaday seddex meelo meel dhaqaalaha Masar[6], Nuurudiin wuxuu ka cabsi qabay in Masar ku dhacdo gacanta Saliibiyiinta maadaama ay gacan saar la lahaayeen Dirgaam waxaa uuna ku saaciday Shaawar ciidamo uu hor kacaayay talyihiisa Asadu-Diin Shiirkuu sanadkii 559H\1164, Salaaxudiin oo 26 jir ahaay ayaana qeyb ka ahaa ciidankan, Dirgaam wuxuu ka hiil doontay Saliibiyiinta [7], balse intuu gurmadkooda soo gaarin baa ciidankii soo duulay soo galeen Masar, Dirgaam ayaana kula dagaalamay Qaahiro agteed, waase laga adkaaday dagaalka baana lagu dilay[8][9]

Shaawar markii la guuleystay oo wasiirnimada u soo laabatay wuxuu khiyaanay oo balantii uga baxay Asadu-Diin iyo ciidankiisa waxa uuna ka dalbay deg deg inay uga baxaan Masar, Asadu-Diin Shiirkuu wuu diiday inuu ciidankiis kala baxo Masar, maagaalada Balbiis ayuuna saldhig ka yeeshay, Shaawar ciidamadii saliibiyiinta ayuu markaan la soo heshiiyay oo soo watay waxaa ayna go'doomiyeen Balbiis ilaa mudo seddex bilood[10], Nuurudiin soo uga fududeeyo ciidankiisa go'doominta saaran waxaa uu weeraray Saliibiyiintii Shaam Dagaalkii Xaarim ee dhacay 1164dii buu ku jabiyay isaga oona ka qabsaday dhufeysyo muhiim ah sidoo kale madaxdoodii ugu sareysay buuna gacanta ku dhigay[11], ugu dambeyn Shiirkuu wax ay kala hadleen inuu laabto jidkana u furaan asna wuu yeelay[12].

Weerarkii labaad sanadkii 1167dii

Asadu-Diin wuxuu aad ugu ciil qabay inuu ku laabto Masar waxaa uuna helay fursadaas mar kale sanadii 562H markaas oo Nuurudiin ka war helay in Shaawar iyo Saliibiyiinta ay hishiisyo wada galeen, Asadu-Diin shiirakuuh ayaa ciidankiisa Kala soo baxay Dimishiq waxaana isku beegmay soo gaaridiisa Masar isaga iyo Saliibiyiinta, Shiirkuu iyo ciidankiisa oo aad u yaraayeen ayaa ku jabiyeen Saliibiyiinta iyo Shaawar oo isku dhinac ah Dagaalkii Baabeen ee dhacay 1167, Salaaxudiin dagaalkaan aad ayuu uaga dhex muuqday guutada dhaxda ayuuna hogaaminaayay waxaana u suurto gashay inuu qabto mid ka mid ah madaxdii Saliibiyiinta. Guushan ka dib magaalada Askandariya ayee qabsadeyn ciidankii reer Shaam oo dadkeyd aad u soo dhaweeyeen maadaama ay necbaayeen Shaawar[13]. Dhanka kale Shaawar iyo Camuuri boqorkii Qudus ee Saliibiyiinta waxa ay dib u soo uruuriyeen ciidankooda Askandariya ayeena ku go'doomiyeen Asadu-Diin iyo ciidankiisa ilaa ay macluul kaga dhawaadeyn dadkeyda, Asadu-Diin waxa kuu ka baxay magaalada isaga oona ku dhaafay Salaaxudiin, waxa uuna bilaabay deeganadii kale ee Masar inuu weeraro ku qaado in mudo ah markuu xaalku sidaas ahaay waxaa lagu hishiiyay inay isaga baxaan Masar ciidamadii reer Shaam iyo kuwa Saliibiyiinta labaduba, sidoo kale waxa uu balan qaaday Shaawar in aan laga aarsan doonin reer Askandariya, sidaas ayeena mar kale uga soo baxeyn Masar ciidankii Asadu-Diin 29ka Soonfur 562H oo ku beegan 18 Agoosto 1167 [14].

Weerarkii seddexaad dabayaaqadii 1168

Waxaa dhacday Saliibiyiinta inay ku soo duulaan Masar ayagoo awoodood dhan isugu geynaaya ka dib markii uu Shaawar bixin diiday qarashaad uu kula hishiiyay, sanadii 1168 ayee Camuuri iyo ciidankiisa qabsadeen Balbiis waxaa ayna gowraceen dadkeyda si arxan daro leh[15], Shaawar aad buu uga argagaxay wuxuuna iska waayay tabar ama xeylad uu isaga difaaco markaas ayuu gubay caasimadiisa Fusdaad [16], khaliifka Faadumiyiinta Al-Caadid li dini laah ee mara saarka ahaay ayaa qeylo dhaan u dirsaday Nuurudiin oo ka dalbaday inuu soo gaaro, Shiirkuu iyo ciidankiisa waxey mar kale u soo dhaqaaqeen Masar, saliibiyiinta waxey isku dayeen inay Suweys agteeda u galaan laakin markey arkeyn Asadu-Diin oo ka gudbay waxey isaga baxeen Masar Asadu-Diin iyo ciidankiisa ayaana galeen Qaahira 8 Janaayo 1169

Shaawar wuxuu isku dayay inuu is jeclaysiiyo Asadu-Diin oo siiyo balan qaadyo hor leh dhanka kalena waxa uu ka watay shirqool uu u maleegay balse Asadu-Diin ayaa ogaaday dabinadiisa iyo inuu marna ayaga la ciyaarayo marna Saliibiyiinta wuxuuna amray in la dilo [17] waxaa ayna xusayaan taariikhyahanada qaar in salaaxudiin iyo taliye kale oo Jurdiik la yiraahdo fuliyeen dilkiisa [18].

Khaliifka Faadumiyiinta ayaad ayuu taageeray dilka Shaawar waxaa uuna wasiir ka yeeshay badalkiisa Asadu-Diin Shiirakuu balse laba bil ka dib wuu dhintay Shiirkuu, Salaaxudiin oo ahaa walaalkiis wiil uu dhalay ayaa badalay oo noqday wasiirka cusub ee Masar[19], waxey xusayaan taariikhyahanada oo ugu horeeyo Camaadu-Diin Asfahaani in magacaabista Salaaxudiin ay ku timid dalabka taliyaasha ciidankii Shaam kuwaas oo ku cadaadiyay Khaliifka Faadumiiyiinta inuu ka yeelo wasiir.

Remove ads

Xukunka Masar

Mucaaradkii uu wajahay bilawga xukunkiisa

Imaanshaha Salaaxudiin ee xukunka Masar ma uusan ku marin si nabad eh, bilooyinkin yar kadib waxaa ay qorsheeyeen taliyaal sare oo ciidankii Faadumiiyiinta ahaa iyo qaar taageerayaashood kamid ah inay ka takhalusaan Salaaxudiin ayagoo kaashanaya Camuuri boqorkii Saliibiyiinta, waxaana hor kacaayay taliyaashan Mu'taman khilaafa oo ahaay madaxa ilaalada qasriga waxaana taabacsanaa ciidamo badan oo madow suudaan ah, Salaaxudiin wuu ogaaday qorshahooda inta ayna fulin waxaa uuna dilay Mu'taman khilaafa bisha Siditaal sanadkii 564H, sidoo kale dhamaan shaqaalihii qasriga ayuu ku beddelay kuwo cusub oo madax uga dhigay Qaraaquush[20]. Maalintii xigay ciidankii madowga oo ka careysan dilka taliyahood misna kor u dhaafaya 50 kun ayaa soo weerar tagay waxaana la dagaalamay ciidankii salaaxudiin ilaa ay ka takhaluseen [21], intii hartayna waxaa laga saaray magaalada [22].

Sidaasi kuma joogsan mucaaradka Salaaxudiin ee shiicada ahaay, waxaa isku yimid qaar badan oo haraadigooda ah markii uu Salaaxudiin si toos u riday dawladooda 1171, mu'aamaro lagu ridaayo xukunka Salaaxudiin bey dajiyeen ayagoo kaashanaya Saliibiyiinta misna ka faaideysanaya Tooraan-shaah iyo ciidamada badankood oo Yaman ku maqanaa, waxeyna sidoo kale xiriir la sameeyeen Wilyam II boqorka Normaandiyiinta Siqliya siduu u weeraro Askandariya, balse waxey ka fashilantay markii ay la wadaageen sirtooda Zeynu-ddiin bin Najaa oo daacad u ahaay Salaaxudiin, sanadii 1174 buuna soo qabqabtay Salaaxudiin dhamaan intii ku lug lahayd mu'aamaradan waxa uuna kuu fuliyay dil kadib markey culumada u fatwootay, saaxada Beynal-qasreyn baana lagu toogtay intii u dhaxeysay 6 Abriil ilaa 23 May[23]. waxaana ka mid ahaay dadkii dilka lagu filiyay Cumaara al-Yamani oo ahaay gabayaa lafdhabar u ahaay isu daba ridka mu'aamaradan in badana Faadumiiyiinta ku amaanay gabayadiisa[24].

Boqrka Siqliya Wilyam II iyo ciidamadiisa waxey soo gaareen Askandariya 1174 weyna isku dayeen inay qabsadaan laakin ciidanka Salaaxudiin ayaa ku qasbay inay dib u gurtaan ayagoo ka cararay qaniimo badan[25].

Weerarka Saliibiyiinta ee Dimyaad

Camuuri Boqorkii Qudus ee Saliibiyiinta wuxuu is tusay inay Masar qatar weyn uga soo socoto waxaana rajo galisay dhimashada Asad-udiin dadaalo dheer buuna u galay sidii uu ku abaabuli lahaa weerar saliibi hor leh, Bobka Roma iyo boqoradii Yurub ayuu ergay u diray hase ahaatee cid ajiibto muusan helin[26] kaliya Biriizandiyiinta baa ajiibeen ololihiisa oo ku saacideyn usduul dooma ah iyo ciidamo, isbahaysigan weerarkood dhanka badda ayuu ku yimid magaalada Dimyaad beyna go'doomiyeen 25 Oktoobar 1169 ilaa 19 Diseembar

Salaaxudiin markuu ka war helay duulaankan waxaa uu u qoray Nuurudiin "Hadaan ka dib dhaco Dimyaad Saliibiyiinta ayaa qabsanaayo hadaa aadana masaarida ayaa kacdoon suubinaya oo daacada ka baxaayo markaasna wax noo haraayo ma jirto"[27] Nuurudiin waxaa uu soo diray gurmad ciidan oo aad u badan waxaana qeyb ka ahaa Najmu-Diin Ayuub aabaha Salaaxudiin iyo walaalihiisa, sidoo kale waxaa uu cadaadis ka saaray Saliibiyiinta dhanka shaam oo dhufeysyadooda ku weeray[28]. Waxaa dhacday ilaaladii maagaalada Dimyaad inay muujiyaan iska caabin daran salislada xoogan beyna ku xireen wabiga Niil oo u diiday doomahood inay ka gudbaan, sidoo kale roobab xoogan baa bilaawday Saliibiyiinta wey joogi waayeen weyna iska laabteen[29].

Salaaxudiin wuxuu sii baacsaday Saliibiyiinta sii baxsaneysay Gaza ayuu ku weeraray wuxuuna burbrshay deegaanadood, sidoo kale qalcada Iilaat buuna qabsaday.

Thumb
sawir laga sameeyay khaliifkii u dambeeyay ee faadumiiyiinta Al-Caadid lidiinilaah

Dhicitaanka dawladii Faadumiiyiinta

Guushaan danbe waxey idibada ugu sugtay Zankiyiinta gudaha Masar, waxaana iska cadaatay in Faadumiiyiinta waayahoodu qariib yahay, Nuurudiin waxa uu ka dalabaday Salaaxudiin inuu joojiyo ducada looga duceeyo masaajida Khulafada Faadumiiyiinta taasi oo u ahayd aqoonsi sharciyadooda, Salaaxudiin wuu ka cago jiiday in mudo ah dalabka Nuurudiin cabsi uu ka qabo saameynta shiicada ee gudaha Masar awgeed[30], wuxuuna si tartiib ah u bilaabay inuu yareeyo saameyntooda isagoo garsoorka ku badalay garsooreyaal sunni ah, Aadaanka ayuu hadana ka saaray waxyaabihii shiicada soo kordhisay[31], wuxuu fara galiyay shaqadii khaliifka gaarka u lahaa shaqaalihiisa qasriga buu ka yareeyay, ugu dambeyn bilawga sanadii 567H oo ku beegan Sebteembar sanadii 1171 buu ka gooyay khudbdii Faadumiiyiinta masaajida Masar isagoo ku beddelaya Cabaasiyiinta Baqdaad[32]. Al-Caadid waqtigaas wxuu ahaay sakaraad mowdka ayaana u yimid maalmo yar kadib xilka qaadistiisa, Salaaxudiin ayaana la wareegay qasriyadiisa iyo hantidii uu ka tagay dhamaan wuxuuna u qeybiyay talyaashiisa qaarna madaaris cusub buu kaga dhisay Masar.

Balaarinta dawlada

Salaaxudiin wuxuu ka shaqeeyay ilaalinta xuduudiisa iyo inuu kusoo daro dawladiisa meelihii ay Faadumiiyiinta horey uga talin jireen, sidaas darteed sanadii 568H oo ku beegnayd 1173 waxa uu udiray Magribta soke (Liibiya maanta) ciidamo uu hogaaminayay Shafu-ddiin Qaraaquush, magaalada Tiriibuli, Barqa iyo deegaano kale oo Liibiya maanta ka mid ah bey qabsadeen ilaa Qaabus oo Tuunus ka tirsan[33]. Muwaxidiinta waxey u arkeen dhaqdhaqaaqan mid qatar ku ah jiritaankooda khaasatan markuu Qaraaquush la sameeyay isbahaysi qabiilada carbeeb ee degaanadaas kuwaas oo muujiyay siday daacad ugu yihiin khulafada Cabaasiyiinta khudbadaha masjidkana uga duceeyeen [34][35].

Xuduuda koonfureed ee Masar waxaa kaga aadaneyd Nuuba oo ahayd boqortooyo kirishtan eh magaalada Aswaan beyna halis ku ahaayeen inay weeraraan, Salaaxudiin waxaa uu udiray walaakiis ka weyn Tooraan-shaah bisha Jumaada aakhir ee sanadii 568H wuxuu galay deegaanadood Qasri ibriim buuna ka furtay qaniimo iyo maxaabiis badana wuu kala soo noqday[36][33].

Yaman waxaa ka jirtay xaalad deganaasho la'aan eh hadey tahay madhab ahaan iyo siyaasad ahaanba, Cabdi-Nabi Al-Madi nin la oran jiray oo mahdinimo sheegtay baa ka soo baxay wuxuuna la yimid waxyaalo khilaafsan islaamka oo dadka ugu yeeray [37], wuxuuna jaray sidoo kale khudbadii Cabaasiyiinta, dadkii reer Yaman baa ka codsaday Salaaxudiin inuu ka dulqaado ninkan sheeganaya mahdinimada, Salaaxudiin wuxuu u diray 569H walaalkiis Tooraan-shaah iyo ciidamo dhowr ah waxeyna la dagaalamayn Cabdi-Nabi wey jabiyeen ciidankiisa asna waa dileen, magaalada Zubeyda buu furtay hadana Cadan, Tooraan-shaah wuxuu u diiday ciidankiisa inay boobaan magaalada isagoo ku dhahay "Uma imaan inaa kharibno deegaanada ee waxaan u imaanay inaa camirno"[33] waxaa u suurto gashay deeganadii kale ee Yaman inay u soo gacan gasho, markaasna Xijaas waxaa laga iclaamiyay inay ku biirtay dawlada Masar[38]. Tooraan-shaah ayaana joogay Yaman ilaa 571H.

Salaaxudiin iyo Nuurudiin

Inkastoo Salaaxudiin sheeganaayay inuu u adeegayo Nuurudiin hadana wuxuu marar badan ka gaabiyay adeecida awaamirtiisa, Nuurudiin wuxuu ka cabsaday awooda Salaaxudiin ee sii kordheysa isagoona u arkay madax banaani inuu damacsan yahay, khilaafkooda wuxuu sii kordhay markii labadoodu ku heshiiyeen sanadii 567H\1172 in Salaaxudiin uu ka weeraro Qalcada Karki Masar halaka Nuurudiin iyo ciidankiisa ka soo weeraraan Shaam, markaas buu Salaaxudiin dhaxda ka laabtay isagoo ka cabsi qaba in Nuurudiin xilka ka qaado hadii uu la kulmo[39], Nuurudiin aad buu uga xanaaqay falkaas heer uu go'aansaday inuu Masar la aado ciidamadiisa, Salaaxudiin wuxuu isku keenay taliyaashiisa u dhawaay oo kala tashaday sidii laga yeeli lahaa Nuurudiin, qaar baa waxey soo jeediyeen inuu la dagaalamo, hase ahaatee aabihiis iyo abtigiis oo goobta joogay weydiideen ra'yigaas waxeyna u soo jeediyeen Salaaxudiin inuu hadiydo u diro Nuurudiin uuna marmarsiyo sameysto [40].

Thumb
sawir mla awaal eh oo laga sameeyay salaaxudiin

Waxaase muuqatay in marmarsiyooyinkaas uusan ku qancin Nuurudiin oo fursad kale raadinaayay. Gu'ii sanadii 1174 wuxuu aruuriyay ciidamo aad u badan oo ka kala keenay Mowsil, Diyaar Bakar iyo deegaanada kale uu maamulo wuxuuna qorshuhu ahaa inuu aado Masar, laakin waxaa si kadis ah ugu soo booday xanuun 15 beri kadibna wuu dhintay 15 May 1174 [41]. Waxaana taariikhda halkaan ka bilaabatay Dawladii Ayuubiyiinta [42].

Remove ads

Qabsashada Shaam iyo dhisida dawlada

Nuurudiin wuxuu ka tagay wiil yar oo 11 jir ah lana oran jiray Saalax ismaaciil, waxaana mar qura halaabay nadaamkii dawlada, taliyaashii ugu sareeyay baana ku murmay cidii masuul ka noqon la hayd wiilkan yar, Saliibiyiinta ayagana dhaqdhaqaaq bey bilaabeen waxeyse ku xaliyeen taliyaashii inay hishiis kula galaan lacago ay bixinayaan, ugu dambeyn Sacdu-dawla Gumushtakiin ayaa la wareegay masuuliyada wiilka yar wuxuuna la aaday Xalab halak Dimishiq oo ku haray Shamsu-diin ibni Muqadam oo isku dhacsanaayeen Gumushtakiin.

Salaaxudiin wuxuu dhaliilay siday wax u maamulayaan taliyaasha joogta Shaam wuxuuna bilaabay inuu raadiyo wadadii uu Shaam kula wareegi lahaay, jaaniskaas oo helay markii taliyihii Dimishiq Shamsu-diin ibni Muqadam ugu yeeray inuu ku sallimo magaalada isagoo ka cabsi qaba Gumushtakiin[43] wuxuu kala soo dhaqaaqay ciidanka Masar isagoo ku dhaafaya walaakiis Alcadil bisha Mowliid sanadii 570H buu soo gaaray Dimishiq wuuna la wareegay. Kadib deegaanadii kale ee Shaam buu bilaabay qabsashadeyda sida Xamaa oo dadkeyda sahal ugu wareejiyeen.

Xalab ayuu u jaheystay Salaaxudiin wuxuuna shaaciyay inuu rabo la wareegida masuuliyada wiilka yar ee Nuurudiin Gumushtakiin wuu diiday inuu magaalada dhiibo wuxuuna soo baxshay wiilka yaraa oo dadka ugu khudbdeeyay inay la dagaalamaan Salaaxudiin maadama uu yahay khiyaanoole taasi oo sii kicisay xamaasadii dadka. Gumushtakiin wuxuu la hishiiyay Xashaashiyiinta si ay u shirqoolaan Salaaxudiin, waxey soo direen naftoodi haligayaal oo ku dhex milmay ciidankii Ayuubiyiinta balse isku daygooda wuu fashilmay waana la wada dilay,

Remove ads

Dagaalkii uulagalay siliibiyiinta

Salaaxudiin waxa uu aasasay dawlad looyaqaanay alayuubiyah.kadib dawladaasii xiligii ay siifidaysay ee ay kufidaysay gudaha suuriya salaaxudiin waxa uu intaasba lasocday dhaqdhaqaaqii siliibiyiinta isaga oo rajaynayay in uu mruun burburin doono. Waxa ay ahayd 25 noveber 1177 maalintii uguhoraysay ee ay iska horimaadaan labada ciidan. Islamarkaas silibiyiinta iska ay caabin ciidamiidii salaaxudiin oo wayjabeen. Kadib waxa dhacay khalad kayimi ciidama salaaxudiin oo waxa ay kujeesteen bililiqadii ay kaqabsadeen ciidamada gaalada. Isla markaas waxaa dhabarjabin ku sameeyay ciidamo uu wato hogaamiye gaal ah oo laodhanjiray.Boladiinkii lixaad oo ahaa hogaamiyihii oorshaleem.waxaana guuldaro ad ubaladhan lakulmay ciidamadii salaaxudiin.laakiin salaaxudiin isma dhiibin ii waxa uu markale dib ugusoonoqday in uu weerro iimaaradii gaalada waanuu ka adkaaday markaa salaaxudiin al ayuubi ilaahada waageesi ay dadka islaamku aad u xusaaan salaaxudiin al ayuubi waxa lagu tiriyaa mid kamida halyeeyada islaamka soomaray taariikhda uu islaamku soo jiray.

Remove ads

Dhimashadiisa

Dhaxalkiisa

Shaqsiyadiisa

Xigasho

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads