Shawaal

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Shawwāl (Af Carabi : ar) waa bisha tobanaad ee Kalandarka Hijriga.[1][2][3]

Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.

Hordhac

Bisha Shawwaal waa bisha tobanaad ee maalintiriska Hijriga ah. Ereyga Shawwāl macnaheedu waa "qaaditaan".

Soonka Shawwal

Maalinta koowaad ee bisha Shawwāl waa Ciid al-Fitr, maalinta dadka Islaamka ah u dabaaldegaan dhamaystirka soonka Bisha Ramadan. Qaar ka mid ah Muslimiintu waxay ku daraan lix maalmood oo soon ah, kaasi oo sunno adag ah. Sida ku xusan axaadiis badan, qofkii sooma bisha Ramadaan isla markaana ku dara lixda cisho ee Shuwaalka ah wuxuu la mid yahay qof soomay sanadka oo dhan.[4]

Wakhtiga

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[5]):

More information Miilaadi, Hijri ...

Kalandarka Hijriga

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Remove ads

Bilaha Hijriga

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[7]

Sidoo Kale Fiiri

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads