Bisha Ramadan

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Bisha Ramadaan (Af Carabi : ar) ama Ramadhan) waa bisha sagaalaad ee Kalandarka Islaamka, iyo bisha uu soo dagay kitaabka Quraanka kariimka ah.

In la Soomo waa bisha Ramadaan waa rukun ka mid ah Tiirarka Islaamka, taasi oo waajib ku ah dhammaan dadka Muslimka ah ee qaangaadhka ah, marka laga reebo dadka xanuusan, kuwa safarka ku jira, dumarka uurka leh, dumarka naas-nuujinaya ilmo, iyo dumarka dhiiga ku jira.[1]

Maalinta ugu horeysa bisha ku xigta Ramadaan, oo ah bisha Shawwal, waa maalinta dadka Islaamka ah u dabaaldegaan dhamaystirka bisha barakaysneyd ee Ramadaan. Maalintani waxaa loo yaqaana Ciid al-Fitr.

Remove ads

Wakhtiga

Maadaama Kalandarka Islaamku yahay mid ku xidhan dayaxa, bisha Ramadaan waxay bilaabanta marka dayaxu dhasho ama la arko. Sidoo kale, maadaama sanadka Kalandarka Islaamku ka gaaban yahay 10 ilaa 11 maalmood (cisho) Kalandarka Miilaadiga, bisha Ramadaan horay ayay u soo siqdaa mar kasta, taasi oo ka dhigaysa bil dhex socota xilliga.

Intaas waxaa dheer, marka lagu gudo jira wakhtiga Bisha Ramadaan, Soonku waxuu bilaabmaa marka qoraxdu soo baxdo aroortii ilaa laga gaadho qorax dhaca galabtii.[2]

Shaxda hoose waxaad ku arki wakhtiga bisha Ramadaan bilaabanayso iyo dhammaanayso ee sanadaha 2010 ilaa 2020ka.

More information Miilaadi, Hijri ...
Remove ads

Kalandarka Hijriga

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Remove ads

Bilaha Hijriga

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[4]

Sidoo Kale Fiiri

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads