Hirshabeelle
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Hirshabeelle , si rasmi ah Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ( Soomaali : Maamul-Goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya ), waa maamul-goboleed federaal ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya . Dhanka waqooyi waxaa xad la wadaaga maamul goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo gobolka Banaadir , dhanka galbeedna Itoobiya iyo bari oo ay ka xigaan badweynta Hindiya . Jowhar Waa magaalo madaxda Hirshabeelle.
Hirshabeelle waxay ka kooban tahay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Beelaha ugu caansan Hirshabeelle waxaa ka mid ah , Gaaljeceel Xawaadle , Abgaal , Jareer , iyo qaar kale oo mid walba taariikh weyn ku leh gobolka. Magaca gobolka wuxuu ka yimid isku darka magacyadooda. Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqday inay tahay maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ku cad dastuurka KMG ah ee Soomaaliya .
Remove ads
Gobol
Gobolka hiiraan
Degmoyinka
Ka koobanyahay
◾Bulobarde
◾Maxaas
◾Beledweyne
◾Jalalaqsi
◾Buq aqable
◾Moqokori
◾Ceelcali
◾Halgan
◾Mukeyla
◾Matabaan
◾Jawiil
◾Luuqa jeelow
■Raangaabo
Taariikh
Markii ay xornimada qaateen Dhulka Talyaaniga Haystay ee Soomaaliya ee ah gobollada koonfureed 1960 waxay ahaayeen 6 gobol oo kala ahaa:
1 Gobolka Banaadir 2 Gobolka Jubada sare |
3 Jubada Dhexe 4 Gobolka Hiiraan |
5 Gobolka Mudug 6 Gobolka Bari |
Waxaa iyana ku soo biiray Dhulka Biritishka Haystay ee Soomaaliya sida Gobolka waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay. waxayna ku soo darsadeen koonfurta labadii gobo lee xilligaas gobollada waqooyi la isku oran jiray. Soomaalinad ayaa hadda xoog iyo qas ka dhex waddo deegaanada Sool & Sanaag iyadoo nabadii carqaladeenayso.
1 Waqooyi galbeed | 2 Gobolka Togdheer |
Halkaas waxay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda 8 gobol.
Markii uu kacaankii militariga ahaa dalka qabsaday ee la qaaday ololahii horumarinta reer miyiga ee 1973.kii ilaa 1974.kii ayey timid baahi ah in la magacaabo gobolo kale oo dheeraad ah markaas waxaa 8dii gobol lagu kordhiyey 7 gobol oo kale markaas waxay tirade gobolada Dalka noqdeen 15 gobol.
Bilowgii 1980 waxaa lagu kordhiyey gobolka Jubada Dhexe. dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa misana la magacaabay Gobolada Sool iyo Awdal markaas tirada Gobolada Dalku waxay noqdeen 18 Gobo.
GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA DALKA SOOMAALIYA
1. GOBOLKA AWDAL
|
8. GOBOLKA MUDUG
|
13. GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE
|
Hiiraan
Waa gobol ka mida gobollada ku yaal bartamaha Soomaaliya, xadna la leh gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool iyo Gobolka Soomaali Galbeed ee Itoobiya. Magaalo madaxda Gobolka waa Ceelcali. Gobolka waxaa mara wabiga Shabeelle ee ka yimaada dhanka itoobiya.
Degmooyinkiisa waxaa ka mid ah

- Beledweyne
- Buuloburde
- Jalalaqsi
- Maxaas
- Matabaan
- Buq aqable
- Mukeyla
- Shaaw caano
- Luuqa jeloow
- Ceelcali
- daarusalaam
- Raangaabo

Waxa ay gaaraysaa tirada dadka qiyaastii 975.000 halka uu bedeku yahay 31.510 km², waxaa mara webiga shabeelle qiyaastii dhul dhan 170 km.
Bulshada reer Hiiraan oo u badan dadka reer guuraaga ah haddana gobolku wuxuu leeyahay dhul dheereed ku fiican tacabka iyadoo la ogayahay guud ahaan Soomaaliya ay leedahay 8 malyan oo Hektar Hiiraan waxaa kaga so aadeeysa qiyaastii in ka badan [1500)Hektar]].
Shabeellaha dhexe
Waa gobol ka mid ah dalka Soomaaliya bedkiisu yahay 22.663 km² tirada dadkuna gaaraysa 863.000 qof xaruntuna waa Jowhar. Xad la leh gobollada kala ah Galguduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir kana qoyan dhanka Badweynta Hindiya. dhanka waqooyi waxaa kamara Webiga Shabeelle.
Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah


Waxa ay gaaraysaa tirada dadka qiyaastii 863.000 halka uu bedeku yahay 22.663 km², waxaa mara webiga shabeelle qiyaastii dhul dhan 125 km.
Bulshada reer Shabeellaha dhexe oo u badan dadka reer guuraaga ah haddana gobolku wuxuu leeyahay dhul beereed ku fiican tacabka iyadoo la ogayahay guud ahaan Soomaaliya ay leedahay 8 malyan oo Hektar Shabeellaha Dhexe waxaa kaga so aadeeysa qiyaastii in ka badan 700 Hektar.
Ka hor Federaalaynta
Kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, labada gobol waxa ka talinayay hoggaamiye kooxeedyo gacansaar la leh dalka Itoobiya mana helin maamul si buuxa gacanta ugu dhiga dhamaan labada gobol.
Dhismaha Maamulka
Waxaa la unkay Oktoobar 9, 2016 Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle laguna dhaariyay Magaalada Jowhar, tirada xildhibaannada oo ahayd 82 waxaa gadaal looga daray 15 wadarta guud ee xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa laga dhigay 97 xubnood.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Oktoobar 10, 2016 kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Shabeellaha Dhexe isla markaana ah xarunta maamulka Hirshabeelle, Baarlamaanka Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay gudoon ku meel gaar ah u doorteen mudane Maxamed Siyaad Barqadle[2].
Oktobar 12, 2016 Xildhibaanada baarlamaanka Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka dhagaysteen qudbadaha ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada guddoonka sare ee Baarlamaanka Hirshabeelle.[3] Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya oo u taagan saddex musharax oo kala ah Abuukar Xasan Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha Federalka iyo dib u heshiisiinta Maamulka gobolka Sh/dhexe, guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne Shiikh Cismaan Barre iyo Cali Cabdulle Isgoow, sidoo kale xilka Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle waxaa isku soo sharaxay laba Musharax Ismail mohamed nur iyo Cabdi Xuseen Geedi halka ku xigeenka labaadna ay isu soo sharaxeen saddex xildhibaan oo ay mid kamid ah tahay dumar Canab Axmed Ciise[4].
Oktoobar 22, 2016. Waxaa lagu caleema saaray Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali (guudlaawe)[5]. Waxaa xafladda joogay safiirro iyo wakiillo ka socday dalaka caalamka sida Shuunaha, Suudaan, Qadar, Turkiga, wakiilka qaramada midoobay iyo wakiil ka socday urur goboleedka igaad. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo ku joogay heer madaxweyne, halka maamulka Jubaland uu ka socday madaxweyne ku xigeen, waxaa ka maqnaa xafladdaas maamulka Puntland walow ay goor dambe ay u direen hablyo maamulka Hirshabeelle[6].
Remove ads
Bulshada
dowlad gobaleedka hirshabeelle waxaa ku nool bulshooyin badan oo gaaraayo ilaa iyo 24 qabiil oo kala gadisan oona soomaali lkn qabiilada ugu badan waxaa ka mid ah gaaljecel,xawaadle,abgaal,badicade,jareerweyn,jijeele Lkn dad ahaan waxaa ugu 60% waxaan dagan Xawaadle oo dago labada gobol sh.dhaxe iyo hiiraan bo

Asalkii hore
Dhismaha Maamulka Hirshabeelle ayaa muddo dheer muran ka taagnaa, iyadoo labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay muujiyeen rabitaan ay ku doonayaan inay sameystaan maamul goboleed u gaar ah. Bishii Oktoobar 2016, waxaa la qabtay doorashadii madaxtinimada ee deegaanka, taasoo uu ku guuleystay Cali C/llaahi Cosoble . 11kii Maarso 2017, Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 52 Wasiir. Bishii September 2017, Baarlamaanka ayaa doortay Madaxweyne, Maxamed Cabdi Waare . Cali C/llaahi Xuseen ayaa tan iyo 2020 soo hayay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana 99 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka 86 ka mid ah ay codkooda dhiibteen, iyadoo 13-ka cod ee soo hartay uu helay C/raxmaan Jimcaale Cismaan .
Remove ads
Xuquuqda dumarka
Sanadkii 2021, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xafiiska Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed , 21% haweenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa la kulmay tacadiyo dhanka jirka ah, 99.5% haweenka ay da’doodu u dhaxeyso 15 – 49 ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah , 75% waxa ay lahaayeen taleefan gacanta ah, 8% waxa ay isticmaaleen internetka 12 bilood ka hor. Laga bilaabo 2024, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka waxaa loo magacaabay Rahma Guliye.
Remove ads
Maamulka
Madaxweynaha Hirshabeelle waa madaxa fulinta dowlad goboleedka Hirshabeelle; Madaxweynuhu waa madaxa dawladda iyo madaxa dawladda labadaba. Madaxweynuhu wuxuu magacaabi karaa oo xilka ka qaadi karaa xubnaha Golaha Wasiirada.
Madaxweynayaal
Si aad u hesho liiska madaxweynayaasha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhameystiran ka eeg liiska madaxweynayaasha Hirshabeelle .Madaxweynaha Hirshabeelle hadda waa Cali Cabdullaahi Xuseen
Remove ads
Isgaarsiinta
Gobollada
Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Tixraaca
Xiriirinta dibadda
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads