Cabdi Tahliil
Fanaan Soomaaliyeed From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Maxamed Cabdi Warsame (Af Ingiriis : Mohamed Abdi Talil; Af Carabi : ar) ku magacdheeraa Tahliil, waa fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida, kuna caan baxay magaca Cod Wanaagsane sababtoo ah wuxuu ka mid yahay kuwa ugu sareeya fanaaniinta codka fiican dhammaan fanaaniinta ku heesa af-Soomaaliga.[1]
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Tahliil heesihiisa aad ayaa loo jeceyahay waana mid ka mid ah fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh umadda Soomaaliyeed. Fanaanka Maxamed Cabdi Warsame wuxuu uu ku dhashay gobolada dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1953dii taariikhda Miilaadiga.[2]
cabdi tahaliil warsamew waxa uu iminka ku xanuun sanayaa magaalada muqdisho.
Remove ads
Fanaanka Maxamed Cabdi Warsame wuxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[3]
Fanaanku waxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[4]
Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi ooy ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Hodoon[5] (Hibo Nuura), Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee, heesaha Tahliil aad ayay u badan yihiin, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:
- Albumka Onkod
- Heesta Onkod[6]
- Heesta Hoowlahaadii
- Heesta Waayaha
- Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura
- Heesta Casar
- Heesta Sida Faras Bulaalo
- Heesta Jacayl Aayatiin Leh
- Heesta Maxaan Xabadeed Ku Nacay (shirkii Djibouti)
Heesaha fanaankan waxaad ka dhageesan kartaa websitekan Halkan Riix.
Remove ads
Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.
fanaaniinta hobolada waaaberi dhaman intoda dhimatay allaha u raxmado iyo inta xanuunsan sida Cabdi tahliil warsame maxamed mooga ma'aha madaadalaha waaberi. khaqiiq ahaan muu ahayn xubin hobaladii waaberi. wuxuu kaqayb qaatay laba riwaayadood oo kaliya oo ay kooxuhu matalayeen. xogtan aad usoo xaqiiji kana saar magaca qaldan ee ah madaalaha funka waxaad kubadashaa aabihii ama adeerkii fanka.
.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads