Hibo Nuura
Fanaanad Soomaaliya From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Hiba Maxamed Hodoon (Af Carabi : ar) ku caan ah magaca Hibo Nuura waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.[1] Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Hibo Maxamed Hodoon loo siiyay magaca weyn ee Hooyada Fanka Soomaaliyeed.[2] Intaasi waxaa dheer, Hibo waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Hibo Nuura.[3]
- Kani waa maqaal ku saabsan fanaanada Hibo Nuura. Haku khaldin magaca Hibo.
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Badhtamihii sanadkii 2014ka, fanaanada Hibo Nuura waxay waxay ku dhawaaqdey ineey ka baxdey fanka iyo suugaanta, maadaama ay da' ahaan gaadhey heerkii lagu cibaadeysan lahaa.[4] Fanaanadu waxay hada ku nooshahay magaalada Minneapolis, Minnesota ee wadanka Maraykanka.[5]
Remove ads
Hibo Maxamed Hodoon waxay ku dhalatey magaalada Dilla ee gobolka Awdal, Waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaano Somaliland.[6] Ayada oo yar ayaa waalidkeed u soo wareejiyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal; halkaasi ooy ku qaadatey waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe. Ka dib, waxay u soo wareegtay magaalada Hargeysa ooy ka biloowday fanka iyo suugaanta ilaa markii dambe ay u gudubtey xarunta wadanka Soomaaliya waa caasimada Muqdisho.[7][8][9][10]
Remove ads
Fanaanada Hibo Nuura waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[11]
Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[12]
Heesaha fanaanada Hibo Maxamed Hodoon waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:
- Heesta Goronyo.
- Aaminka Ducadiyo[dead link]
- Heesta Ha iga Tagin ee Ii Talli
- Heesta Ka Buldhe: waxa si talantaali ah uwada qaadayaan Saalax Qaasim iyo Hibo Nuura.[13]
- Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah uwada qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Godadle: waxa wada qaadaya Hibo Nuura, Axmed Mooge iyo Xaliimo Khaliif Magool.
- Heesta Hal Qudha, si talan-taalli ah Hibo Nuura ula qaado fanaanka C.Qadir Macalin Jubba
- Heesta Hallow
- Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah u qaadaya C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Afrika Waa Dhulkeeyga
- Heesta Safar: waxa si talantaali ah u wada qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Kalgacaylku Waa Qani
- Heesta Rooble
- Heesta Kurbo
- Heesta Armaad
- Heesta Baaloley
- Heesta Afrikaay Toos: waxa si talantaali ah u qaadaya Xasan Aaden Samatar iyo Hibo Nuura
- Heesta Dayax
- Heesta Dood iyo Xal
- Heesta Gabo-gabo
- Heesta Himilo
- Heesta Maaweelo
- Heesta Ma ii Baaqdey
- Heesta Qunbacasho
- Heesta Rafiiq
- Heesta Ramaad
- Heesta Rako
- Heesta Waa Sheeko Hodana: waxa si talantaali ah u wad qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah u wad qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
Hiba Nuura waxeey ka baxday Fanka 6dii February, 2015 weeyna ka toowba Keentay waxeeyna codsatay inaan la dhageeysan dhammaan heesaheedi oo idil.
Remove ads
Fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.
Remove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads