Magac

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads

Magac (Ingiriis: Name) waa sumad ama astaan u gaar ah qof ama xayawaan, kaas oo loo bixiyo marka uu dhasho.

Deeqa

Sharaxaad badan iyo faahfaahin magacyada, fadlan fiiri Jadwalka Magacyada.

Sidoo kale, magac waxaa loo isticmaala in lagu calaamadeysto wax la rabo in la isla garto marka magacaas la soo hadal qaado, tusaale ahaan qeyb dhulka oogadiisa ka mid ah - sida magaalo - alaab - sida baabuur - walaxyo, iyo dhamaan wixii la rabo in eey laga dhex aqoonsan karo waxyaabaha kale.

= Taariikhda Magaca =2017

Remove ads

Magaca Aadamaha

Sharaxaad badan iyo faahfaahin magacyada, fadlan fiiri Jadwalka Magacyada.

Magacyada dadka Soomaalida ah iyo kuwa dadka Islaamka ahi aad ayay u badan yihiin, boqolka magac ee ugu muhiimsan isla markaana loogu isticmaalka badan yahay waxaa ka mid ah:

More information Tiro, Soomaali ama Carabi ...

Magac Islaam

magaca islaam waa magac naxariis taas uu muujinaysa nabad iyo nolol wanaagasan

Remove ads

macnaha magacyada Allaah ee wanwanaagsan

  • Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray jidkiisii oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo maalinta qiyaamaha, Intaas ka dib: Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu Quraankiisa kariimka ah ku yidhi: {وَلِلّهِ الأَسْمَاء الْحُسْنَى فَادْعُوهُ بِهَا وَذَرُواْ الَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِي أَسْمَآئِهِ سَيُجْزَوْنَ مَا كَانُواْ يَعْمَلُونَ }الأعراف180 {Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay magacyo wanaagsan, oo muujinaaya dhamaanshaha waynaantiisa, magacyadiisa oo dhamina way wanaagsan yihiin, ee ku waydiista isaga magacyadiisa waxa aad Doonaysaan, iskana dhaafa, oo iskaga taga kuwa bedelaaya magacayadiisa ee ama wax ku siyaadinaaya, ama ka dhimaaya, ama leexinaaya, sida in ay ku magcaabaan cid aan istaahilin, siday ugu magcaabi jireen Mushrikiintu Ilaahyadooda, ama inay u yeelaan macne aan Allaah iyo Rasuulkiisa tooni inoo sheegin, kuwaas waa laga abaal marinayaa abaal marinta camaladooda Xun ee ay ku samayn jireen aduuniyada, ee ah ku gaaloobida Allaah, iyo magacyadiisa oo ay leexiyaan, iyo Rasuuladiisa oo ay beeniyaan}, xadiith uu soo weriyay Abuu Hureerana radiya Allaahu canhu wuxuu yidhi: [عن أبي هريرة ، رضي الله عنه ، قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” إن لله تسعا وتسعين اسما مائة إلا واحدا ، من أحصاها دخل الجنة ، وهو وتر يحب الوتر ” .] [Abu Hureera radiya Allaahu canhu wuxuu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: in Allaah leeyahay sagaal iyo sagaashan magac, boqol mid la’, cidii koobtaana (yacni korka ka qaybta, ee fahamta macnahooda iyo ujeedooyinkooda, ee Allaah tacaalaa ku amaanta, oo wax ku waydiisata, ee rumaysan), janada ayay ku gelaysaa, janadana ma galo ruux aan mu’min ahayni, Allaahna waa ku keli sifooyinkiisa iyo ahaantiisa aan kala qaybsami Karin, wuxuuna jecel yahay salaada habeenimo ama witirka], hadaba qoraalkan soo socda ee muhiimka iyo Dhaxalgalka ahi, wuxuu sharaxayaa macnaha magacyada Allaah ee wanaagsan, si uu qofku ugu baryo Allaah tacaalaa wuxuu garanaayo, qoraalkan muhiimka ah waxaa dedaal badan geliyay, oo isku soo dubariday, oo turjumay, marxuum Saalah Xaashi Carab ama Khaliif Xaashi Carab siday dad badani ugu yaqaanaan, siiba reer Ceerigaabo, oo uu ka soo jeeday marxuumku Allaah ha u Naxariistee, hase yeeshee markii aan arkay qoraalkan, iyada oo uu marxuumku ahaa macalimkaygii, hadii aan ahay Ciise Maxamuud Aadam, xidhiidh qaraabo oo dhowina naga dhexaysay, waxan goostay maadaama aanan arag qoraalkan intii uu noolaa, oo aanan tala ka gaysan, in aan hada waxyaabo yar yar oo aan badnayn ka bedelo, kuwana ku kordhiyo, ugu Horayna waxaan ka bedelay cinwaanka qoraalka, oo marxuumku uga dhigay cinwaan “Tusmaynta magacyada Eebe” , waxaana ka dhigay sidaad kor ku aragtaan oo uu Sunnaha iyo Quraanka u waafaqo “macnaha magacyada Allaah ee wanaagsan” taas oo ah sida ku timid Quraanka iyo Sunnahaba, waxan kale oo ka saaray kelmeda Eebe meelaha ay qoraalka kaga Jirtay, taas oo qoraalka aad ugu soo noqnoqonaysay, waxana ku bedelay kelmeda Allaah, waayo kelmeda Eebe kama mid aha magacyada Allaah ee wanaagsan, waxan kale oo ku daray magacyada lafdigii carabiga ahaa, oo aan looga maarmayn xaga dhawaaqa, sidoo kale waxaan u samayay hordhacan gaaban, waxana saxay waxyaabo yar yar oo xaga dhawaaqista ahaa, welina walaal muslimiinta ah way u furantahay wixii sixitaan iyo Talooyin ah,  waayo diintu waa amaano iyo naseexo, iyada oo aad noogu soo hagaajinaysaan cinwaanada webkan ka muuqda, Allaah tacaalaa ha ugu daro miisaanka wanaagiisa, dededaalka badan ee uu geliyay marxuumku Allaah ha u naxariistee mawduucan, ee ah inuu u macnayo muslimiinta magacyada wanaagsan ee ay Rabigooda ku caabudayaan, qoraalkana sidan buu ku bilaabay: 1. Allaahuالله Waa magacca ismullaahil’Acdamka uu Allaah isku keliyeeyey oo isaga gaar dhigay ugu na horreeysiiyey magacyadiisa ku na tilmaamay ahaantiisa uu Issaga oo keliyihi ogyahay. Allaahu waa magac uu ku tusmeeyey Ilaah ahaantiisa koroo waa Ismullaahil’Acdam. 2. Alrraxmaanuالرحمن Waa Kan ay naxariistiisu badan tahay oo raxmaddiisu uunka wada gaadhdho; Waa magac Allaah u gaar ah oo aanay bannaanayn Issaga mooyee in cíd kale loogu yeedho. Rabbi weeye makhluuq u roonoo dùnida kala reebid la’aan raxmád wéyn u fidsha 3. Alrraxiimuالرحيم Waa Kan nimcayntiisu ay joogtada tahay oo ay raxiimnimada, fadliga iyo gadaalsamida uu kan uu raalli ka noqdo Aakhiró ku siiyaa aanay kalaggo’ lahayn. Waa Raxiimka gadáál nimcò raagtiyo khayr raalli kuu ka noqdo raaxò siiya mugweyn 4. Almaalikuالملك Waa Boqorka boqorrada oo wax kasta lahaanshohoodu u sugnaaday; Waa Kan leh Maalinta YowmulQiyaamaha oo wax kasta oo abuuran idil ahaantood leh; Waa Kan Issaga mooyee aanay cíd kale wax ba lahayn. Boqor weeye makhluuq mulkiyoo dhan leh oo kèli maalintaWeyn maamulkeeda qunsha 5. Alqudduusuالقدوس Waa Kan daahirka ah oo ka nassahàn cééb iyo kala dhimmanaansho oo ka du’wan wax kasta oo jira. Qaaye buuxid ebyoon Kan weeyaan quwad loo qummanaan u qalmoon ceeb lahayn qabadta. 6. Alsalaamuالسلام Waa Kan koonka dhexdiisa ku bààhiya nabadda oo aanay ahaantiisu lahayn kala dhinní iyo cééb oo mar kasta na tiisu dhammaystiran tahay. Waa Kan koonka samáán degganáán ka simoon qadderkiisa sugní sarma’seegto lahayn. 7. Almu’minuالمؤمن Waa Kan àwliyadiisa ka badbààdìya cadaabtiisa oo ay addoommadiisu rumaystaan waxxa uu ugu ballanqaado. Kan weeyaan martabayn mudnáán siiya weloo badbaadshoo mu’minka kan rumeeya bila. 8. Almuhayminuالمهيمن Waa dhawraha iyo ilaaliyaha wax kasta, oo qumiya hèdèllada addoomadiisa una hayya kadabkooda ay na gacantiisa ku jirto hedistooda oo ka mas’uul ah mooliskooda, xannaankooda iyo dhaqidtaankooda. Maariskoodiyo siin beryo deyn makalkood waa Kan mooliska uun dháb u maamuli og. 9. Alcasììsuالعزيز Waa Kan cìssì oo dhan iska leh; Waa daahir aan wax qahrin oo xoog badan oo loo irkado oo aan laga qaalib noqon e wax kasta ka qaalib noqda. Cissiyoo idil waa Kan qudhoo cudud loon cíd awoodi kartaa caabbintiisa la arkin. 10. Aljabbaaruالجبار Waa Kan ay fulsho doonistiisu oo aan cidi na ka baxsan karin qàddèrkiisa, waa Kan ku sandulleeya addoommadiisa wixxii uu doono. Waa awòòd jirta Kan xoog leh oo wax jaroo an cíd joojin kartaa qadderkiisu jirin. 11. Almutakabbiruالمتكبر Waa Kan tusmaynta makhluuqqiisa ka wada korreeya, ka na wada du’wan oo weynida iyo sarrayntu ay keli ahaantii u sugnaadtay. Waa Kan aanu makhluuq méél ka shaabbihin oon lagu keenin malayn ahaantiisa mudan. 12. Alkhaaliquالخالق Waa askumaha wax kasta oo bilaw ah, oo uu qadderku xaggiisa ka yimaaddo oo qumiya xaajooyinka issaga oo aan la weyddiisan oo nimcadiisu badan tahay oo waxbixintiisu ààd u weyntahay. Alkun’uun khalqidtaan Kan weeyaan khalqiddu keli khaas u tahoo khayrka oo dhan baxsha. 13. Albbaari’uالبارئ Waa Kan makhluuqqa ku abuuray awooddiisa e aan ka soo jaanqaadin wax hore u jirey oo awóód u leh inuu wuxuu qaddero ahaantooda taabbaggelsho. Uumidtaan bilaw ah bawsi dheegad la’áán waa Kan beer alkuma firi béér noqodta. 14. Almussawiruالمصور Waa Kan suuradeeya uunka oo idil oo sí kala gaar ah u radtiba, mid kasta na siiya suurád u gaar ah iyo qaabáyn aan la la wadaagin oo tusmaysa saldhigga na u ah kala du’wanaantooda iyo tiradooda. Suuradaynta makhluuq Kan weeyaan kala muuq sannifoo mid ba qaab midabayn ka dhiga. 15. AlqafFaaruالغفار Waa Kan keliya ee dunuubta dhaafa oo if iyo aakhiro ba ceebaha astura. Qadaf uun galay waa Kan qudhoo caffiyoo quluubaa asturoo ceebohooda qarsha. 16. Alqahaaruالقهار Waa Kan aan laga qaalib noqon awooddiisa iyo qadderkiisa, ku na hàga makhluuqqiisa sida uu rabo, doonís iyo diidís la’áán. Wax kastoo qoran waa Kan qunshoo fuliyoo aan la qoormarin tuu qadderoo socodta. 17. Alwahaabuالوهاب Waa Kan nimcadiisu iyo wax bixintiisu ba badanyihiin oo joogtada yihiih, kii baahan ba baahitira isagoo aan wax ba ka dhaafsanayn. Waa Waxsiinbadane nimco ààd u mugweyn wuxuu doono baxsha iyadoon la warsan.

Magaca Ilaahay

Magaca Ilaahay waa AllaH. Micnaha magaca AllaH waa “Waa magacca ismullaahil’Acdamka uu Allaah isku keliyeeyey oo isaga gaar dhigay ugu na horreeysiiyey magacyadiisa ku na tilmaamay ahaantiisa uu Issaga oo keliyihi ogyahay.”. Ilaahay 99 magac keliya buu leeyahay. Ilaahay magaciisa Kitaabka quraanka ayuu ku qoran yahay

Magaca Ma Noolaha


Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads