Maxamed

From Wikipedia, the free encyclopedia

Remove ads


Maxamed, Muxamed, Maxamad, Muxumed, Maxamuud (ingiriis: Muhammad, Muhammed; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, Muxamed, "Maxamed"; Faransiis: Mahmed, "Maxamed") waa magac af-Carabi ah oo macnihiisu yahay amaanan, la amaanay[1] kaasi oo af-Ingiriis lagu dhaho Muhammad.[2] Magacan waxaa iska leh nebiga iyo rasuulka diinta Islaamka ee Nebi Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato. Magaca Maxamed waxaa loo bixiyaa labka dadka.[3] Sanadkii 2000 cilmibaadhis la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Magaca Maxamed yahay magaca ugu badan ee dadka ku nool dunidu isticmaalaan taasi oo la sheegay in tiro dad oo ka badan 150 milyan lagu magacaabo Maxamed.[4]

Quick Facts Dhawaaqid, Nooc ...
Remove ads

Luuqadaha Kale

Magaca Maxamed waxaa lagu isticmaalaa dunida oo dhan waloow qoraalka iyo ku dhawaaqistu kala duwan tahay. Dadka Talyaaniga waxaa magacan loo qoraa Mahometus taasi oo ka timid ereyga Maometto oo la mid ah Muxamed; halka wadanka Giriiga looga yaqaano Μωάμεθ taasi oo loogu dhawaaqo "Moameth". Dhinaca kale, dadka Kaatalaanka iyo wadanka Isbayn waxaa la dhahaa Mahoma, laakiin dadka Burtuqiiska ahi waxay magaca u qoraan Maomé. Sidoo kale, dadka Gaalishiyaanku waxay yidhaahdaan Mamede oo la mid ah Muxumed. Intaasi waxaa dheer dalka Boland magaca Maxamed waa Mahomet; halka wadanka Ruushka uu ka yahay Мухаммад taasi oo loogu dhawaaqo Mukhammad. Sidoo kale qeybo ka mid ah Ruushka bari waxay u qoraan magacani Магомед oo dhawaaqeedu noqonayo "Magomed". Isku soo wada duuboo dadka Soomaalida ahi waxay u yaqaanaan Maxamed. Wadanka Sinigaal iyo dalal kale oo galbeedka Afrika ahi waxay ugu yeedhaan siyaabo kala duwan ooy ugu badan tahay Mamadou. Dadka reer Kazakh, magaca Muxamed waxay dhahaan Мұхаммед oo loogu dhawaaqo "Mukhammed".

Ugu dambeyn dhulka Shiinaha waxaa magaca Muxamed loo qoraa sidani 穆罕默德 (Mùhǎnmòdé). [5]

Dadka Caanka ah ee Magacan

Jadwalka Magacyada

Sharaxaad badan iyo faahfaahin magacyada, fadlan fiiri Jadwalka Magacyada.

Magacyada dadka Soomaalida ah iyo kuwa dadka Islaamka ahi aad ayay u badan yihiin, boqolka magac ee ugu muhiimsan isla markaana loogu isticmaalka badan yahay waxaa ka mid ah:

More information Tiro, Magac ...


Remove ads

Qoraalo La Mid Ah

3
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads