Atlanta

From Wikipedia, the free encyclopedia

Atlanta
Remove ads

Atlanta, Caasimada Atlanta ( Listeni/ læntə/ , sidoo kale Listeni/ lænə/ ) waa caasimad iyo magaalo madaxda Gobolka Joorjiya ee wadanka Maraykanka. Magaalada Atlanta waxay leedahay shacabka ugu badan gobolka Joorjiya kuwaasi oo dhan 447,841 (tiro koobtii 2010ka). Marka lagu daro deegaanada ku hareersan ee hoosyimaada Atalanta waxaa ku dhaqan dad gaadhaya 5,522,942, taasi oo ka dhigeysa caasimad-weyne (metropolitan) sagaalaad ee dalka Maraykanka; waana xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee deegaankaasi.[12]

Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Atlanta, Joorjiya ee dalka Maraykanka.
Quick Facts Wadanka, Maraykanka ...
Remove ads

Hordhac

Atlanta waa fadhiga iyo saldhiga dowlada Fulton County in kastoo ay xoogaa ka gaadho dhinaca galbeed DeKalb County. Caasimada Atlanta waxay aasaasantay sanadkii 1837kii wakhtigaas oo ku beegan dhismihii tareenka dheer ee isku xidha bari iyo galbeed wadanka Maraykanka. Laakiin waxay si fiican u kortay oo balaadhatey wakhtigii Dagaalka Sokeeye ee Maraykanka, goortaasi oo ay noqotey goob ganacsi iyo xudun isku xidha dhinacyada iska soo horjeeday.
Magaalada Atlanta waa xarunta isku xidha isgaadhsiinta socdaalka ee gobolka koonfurbari Maraykanka; gaar ahaan xudunta iskuxidhka laymanka tareenada, socdaalka cirka ee diyaaradaha ayada oo leh gegada-diyaaradaha ee ugu mashquulka badan caalamka tan iyo sanadkii 1998kii, kaas oo lagu magacaabo "Hartsfield–Jackson Atlanta International Airport".[13][14][15][16]

Thumb
Dhismayaashii ugu horeeyay ee magaalada Atlanta sanadihii 1889kii.

Caasimada Atlanta waxaa lagu tiriyaa ineey tahay magaalo aad u heersareysa[17], ayadoo la sheegay ineey tahay magaalada 36aad ee ugu awooda badan aduunka, tan 8aad ee ugu heerka sareeysa Maraykanka dhexdiisa, iyo magaalo kaligeed maamusha dhaqaale dhan 270 bilyan dollarka Maraykanka.[18]

Remove ads

Juquraafi

Xaga juquraafiga deegaanka, magaalada Atlanta waxay ku taalaa dhul fidsan oo leh buuro kooban oon aad u dhaadheerayn kuwaasi oo ku hareersan tahay dhir faro badan iyo haro biyo midaasi oo soo jiidatey xayawaan iyo shimbiro aad u faro badan.

Thumb
Magaalada Atlanta waxaa lagu qabtey ciyaaraha Olympicga

Sanadkii 1996dii ayaa markii ugu horeeysay magaalada Atlanta waxaa lagu qabtey ciyaaraha Olympicga ee caalamiga ah.

Thumb
Farasmagaalaha Atlanta
More information Dadka Jinsiyad Ahaan ...
Remove ads

Muuqaalo

Thumb
Dhismayaasha dhaadheer ee farasmagaalaha Atlanta
Thumb
Badhtamaha magaalada Atlanta
Thumb
Dhismaha Buckhead


More information Magaalooyinka Maraykanka ...

La Mataan ah

Magaalada Atlanta waxay mataan la tahay 18 caasimadood oo ku kala yaala daafaha dunida.[21][22] Kuwaasi waxaa ka mid ah:

  • Olympia Hore, Giriig (1994)
  • Bucharest, Romania (1994)
  • Kotonou, Benin (1995)
  • Salcedo, Jamhuuriyada Dominika (1996)
  • Nuremberg (Nürnberg), Jarmalka (1998)
  • Ra'anana, Israaiil (2000)[23]
  • Fukuoka, Jabaan (2005)
Remove ads

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads