Kolumbus, Ohio

From Wikipedia, the free encyclopedia

Kolumbus, Ohio
Remove ads

Kolumbus, Columbus ( / lʌmbəs/ ; kə-LUM-bəs) waa caasimada iyo magaalo-madaxda gobolka Ohio ee wadanka Maraykanka. Magaaladani waa tan 15aad ee ugu weyn magaalooyinka wadanka Maraykanka,[17] taasi oo leh bulsho dhan 835,957 (tirokoob la sameeyay 2014).[18] Kolumbus waa xuddunta deegaanada "Kolumbus metropolitan" taasi oo isku xidha ilaa toban degmo;[19][20] waxaana ku dhaqan dad tiradoodu gaadhayso 2,370,839 taasi oo ka dhigeysa Kolumbus deegaanka labaad ee ugu dadka badan gobolka Ohio,[20] iyo mida afaraad ee ugu shacabka badan wadanka Maraykanka.[13][21]

Thumb
Maabka deegaanka Kolumbus
Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Kolumbus, Ohio, Maraykanka. Qoraal ku saabsan sahamiyihii reer Yurub fiiri Kristoffer Kolombus
Quick facts Wadanka, Gobol ...

Kolumbus waa fadhiga dowlada degmada Franklin.[22] Magaalada Kolumbus waxay leedahay dhaqaale aad u sareeya kaasi oo ku tiirsan waxbarashada, bankiyada, dalxiiska, soo saarka cuntada, wershadaha fudud, sameyska dharka, caymiska, teknoolojiyada sida internetka, xayaysiiska iyo iidhehda, fayshanka, soo saarida birta iyo laxaamada, cilmibaadhista caafimaadka, dhakhtarada iyo waxyaabo kale oo badan. Sidoo kale magaaladan waxay saldhig u tahay mahcadka Battelle Memorial oo ah midka ugu weyn dunida ee sameeya iyo soo saara iskudarka kimikada aduunka, xarunta NetJets oo iyadna ah shirkada ugu weyn aduunyada ee samaysa qeybaha iyo xubnaha diyaaradaha dheereeya ee lo yaqaano "Jets"ka. Waxaa intaas dheer, Kolumbus Ohio waa xarunta sare ee shirkadaha waaweyn ee "Fortune500" taasi ooy hoosgalaan Shirkada Caymiska ee Mutual, Amerikan Electric Power, L-Brands, Big Lots, Cardinal Health iyo kuwo kale.[23]

Thumb
Dhismayasha qadiimiga ah ee magaalada Kolumbus

Sidoo kale, Kolumbus Ohio waxay xarun sare u tahay shirkada cuntada degdega ah ee Wendy's, White Castle iyo kuwo kale. Sanadkii 2012ka, waxaa Kolumbus lagu magacaabay ineey ka mid tahay 50-ka magaalo ee ugu wanaagsan wadanka Maraykanka, marka laga hadlayo dhaqaalaha, amaanka, adeega dowlada, shaqooyinka iyo wixii la hal maala.[24] Sidoo kale, sanadkii 2013ka waxaa Kolumbus loo aqoonsaday inay ka mid tahay 10ka magaalo ee ugu ganacsiga fiican wadanka ayadoo la sheegay in qorshaha dowlad degmadaasi taageerto koritaanka iyo hanaqaadka ganacsiga yaryar iyo kan kaleba.[25][26][27][28][29][30].[31]



Remove ads

Taariikh

Thumb
Xarunta dowlada magaalada Kolumbus

Deegaanka maanta loo yaqaano Kolumbus waxaa wakhtiyada qaar loo yaqaanay Degmada Ohio (Ohio County),[32] midaasi ooy maamuli jireen maamulkii Faransiiska ee Ameerika ee lagu magacaabi jirey "Faransiiska Cusub" (New France). Wakhti ka dib, waxaa deegaankaasi ku soo jabay ganacsatadii reer Yurub ee ku sugnaa Waqooyiga Ameerika, kuwaasi oo inta badan daneeynayay dhogorta iyo cudbiga deegaankasi qaniga ku ahaa.[33]

Thumb
Dhismayaasha magaalada Kolumbus

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka Kolumbus waxaa la bilaabmey dagaalo adag oo dhexmaraayay dadkii deegaanka asal ahaan u degnaa ee Hindida Cas iyo gumaystihii reer Yurub ee dhulkaas ku soo fidayay. Waxaa sidoo kale xurguf ka dhexaysay cidii ka talin lahayd deegaanka taasi oo ciidamada Faransiiska gacanta ugu jirtey.[34]

Remove ads

Muuqaalka Magaalada

Thumb
Muuqaalka guud ee magaalada Kolumbus
Remove ads

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads