Phoenix, Arizona

From Wikipedia, the free encyclopedia

Phoenix, Arizona
Remove ads

Fiiniks, Phoenix ( / nɪks/ ) waa magaalo-madaxda, iyo caasimada ugu weyn gobolka Arizona ee wadanka Maraykanka. Fiiniks waxay leedahay bulsho dhan 1,445,632 (sida lagu ogaaday tirokoob dowladu qaaday sanadkii 2010ka). Caasimada Fiiniks waa magaalo-madaxda ugu shacabka badan dhamaan caasimadaha wadanka Maraykanka. Sidoo kale waa magaalad 6aad ee ugu dadka badan tirada deegaanada wadanka.[4]

Thumb
Muuqaalka farasmagaalka Fiinis oo hawada sare laga sawirey
Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Fiiniks, Arizona ee dalka Maraykanka.
Quick Facts Wadanka, Gobolka ...

Waxaa intaas dheer, caasimada Fiiniks waa saldhiga Phoenix Metropoitan Area, oo sidoo kale lagu magacaabo "Dooxada Qoraxda", midaasi oo iyadna ka tirsan Dooxada Webiga Salt. Marka laga hadlayo Phoenix iyo degaanda hoos yimaada waa mida 13aad ee ugu shacabka badan wadanka Maraykanka, taasi oo leh bulsho dhan 4.3 milyan dad ah (sida lagu ogaaday tirokoobtii sanadkii 2010ka).[5][6] Caasimada Fiiniks waxaa intaas u dheer ineey tahay fadhiga dowlada Degmada Marikoba, iyo mid ka mid ah deegaanda ugu baxada balaadhan wadanka Maraykanka.[7]

Thumb
Maabka Xaafadaha Caasimada Fiiniks

Magaalada waxaa markii ugu horeeysay soo degay sanadkii 1867 dad beeroleey ah, kuwaasi oo soo jiiteen webiga Salt, webiga Gila iyo dooxaha dhaca agagaarka magaalada Fiiniks. Waxaa magaalo rasmi ah loogu dhawaaqay sanadkii 1881.[8]

Caasimada Fiiniks waxay dhacdaa waqooyibari Lamadegaanka Sonoran, kaasi oo leh cimilo qalalan oo la mid ah tan deegaanada ka baxsan dhul-badhaha. Iyadoo taasi jirta ayaa hadana waxaa deegaanka Fiiniks leeyahay nidaamyo beero waaweyn oo soo saara khudaar, cudbi, suuf iyo midho badan ooy kuba tiirsan tahay magaalada Fiiniks iyo nawaaxigeedu.[9][10]

Dagaalkii Labaad ee Aduunka wixii ka horeeyay dhaqaalaha magaaldan Fiiniks wuxuu aad ugu tiirsanaa beerida iyo soosaarida cudbiga, lo'da, Naxaasta iyo khudaarta, taasi oo taagertay bulshada gobolka tan iyo aasaaskii caasimada.






Remove ads

Taariikh

Thumb
Maabka deegaanada Hohokam ca. 1350

In ka badan 2,000 sano waxaa deegaanka Fiiniks ku noolaa dadka Hohokam ee ka tirsan dadka asal ahaan loogu yimid qaarada Ameerika.[8][11] Dadkaasi Hohokam waxay sameeyeen gacan biyo oo dhererkiisu yahay ilaa 135 mayl (217 km) kaasi oo ka dhigay dhulkii lamadegaanka ahaa mid la qodan karo (la beeran karo oo leh caro nafaqo leh). Intaasi waxaa dheer, qabiilka Hohokam waxay xidhiidh ganacsi la sameeyn jireen dhamaan qabiilaa jaarka la ahaa ee ka midka yihiin Anasazi, Mogollon iyo Sinagua (qabiilo ka mid ah Dadka Asalka Ameerika).[12]

Waxyaabaha horumarka deegaanka ka qeyb qaatey waxaa kow ka ah gacanada-biyaha iyo dooxooyinka, kuwaasi oo suurto geliyay ineey taageeraan nolosha dadka iyo duunyadaba.[13][14]

Si kastaba ha ahaatee, wakhtiyadii gumaystaha reer Yurub ku fidaayay meelo badan oo qaarada Ameerika ah ayaa Isbayn qabsatey deegaanada Arizona taasi ooy ka mid dhigtey maamulkii Isbayn ee Ameerika loona yaqaanay Isbayn Meksiko. Sanadkii 1848, markii uu dhamaaday dagaaladii Meksiko iyo Maraykanka ayaa dowlada wadanka Meksiko ka iibisay Arizona dowlada wadanka Maraykanka, sidaasi ayayna Fiiniks ku noqotey mid ka tirsan wadanka Maraykanka.[15]


Remove ads

Bulshada Fiiniks

Caasimada Fiiniks waa tan 6aad ee ugu bulshada badan wadanka Maraykanka (sida lagu sheegay tiro-koob dowladu qaadey sanadkii 2010ka), waxayna magaladu leedahay 1,445,632 taasi oo ka dhigaysa magaalo-madaxda ugu shacabka badan wadanka Maraykanka.[16]

More information Noocyada Bulshada ...
Remove ads

Muuqaalka Magaalada

Thumb
Muuqalka Caasimada Fiiniks, Arisona
Thumb
koonfurta caasimada Fiinis goor habeen ah

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads