Orlando, Florida

From Wikipedia, the free encyclopedia

Orlando, Florida
Remove ads


Orlando ( / ænd/ ) waa caasimad ku taala gobolka Florida, ee wadanka Maraykanka; iyo fadhiga dowladad Degmada Orange. Caasimada Orlando waxay dhacdaa badhtamaha gobolka Florida taasi oo u suurtogelisay ineey noqoto meel aad u bulsho badan. Sida lagu sheegay tirokoob dowlada dhexe Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka waxaa deegaanka Orlando Metropolitan ku dhaqnaa shacab tiradoodu dhan tahay 2,134,411 qof; taasi oo ka dhigeysa deegaanka 26aad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka, mida lixaad ee ugu weyn Koonfurta Maraykanka, iyo caasimada 77aad ee ugu balaadhan wadanka, iyo tan shanaad ee ugu weyn gobolka Florida iyo caasimada ugu weyn ee ka fog xeebaha gobolka Florida.

Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Orlando, Florida, Maraykanka.
Boga "Orlando" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Quick facts Wadanka, Gobol ...

Caasimada Orlando waxaa lagu naaneysaa "Caasimada Quruxda" waxaana astaan u ah Harta Eola. Sidoo kale waxaa lagu magacaabaa "Caasimada Beeraha Damaashaadka Caalamka", waxaana sanadkii 2014ka oo kali ah soo siyaartey tiro dalxiisayaal ah oo gaadhaya 62 milyan.[10]

Gegada diyaaradaha Caalamiga Orlando (MCO) waa midka sadexiyotobanaad ee ugu mashquulka badan wadanka Maraykanka iyo midka sagaal-iyo-labaatanaad ee ugu shaqada badan caalamka.[11]

Sanadkii 2009 caasimada Orlando waxay noqotey magaalada ugu dalxiiska badan wadanka Maraykanka,[12] taasi oo u noqotey lafdhabar dhaqaalaha koraya ee deegaanka. Meelaha aadka u soo jiitay indhaha dalxiisayaasha waxaa ka mid ah shaneemooyinka Walt Disney World Resort taasi oo leh deegaan balaadhan oo ku dhexyaala farasmagaalka Orlando. Jaamacada Orlando Resort oo la furay sanadkii 1999kii ayaa iyadna ka mid ah soo jiidashada dalxiiska.

Guud ahaan, si la mid ah dhamaan caasimadaha wadanka Maraykanka caasimada Orlando waxay aad u kortay badhtamihii qarnigii labaatanaad (qiyaastii 1980kii), wakhtigaasi oo la horumariyey goobaha waxbarashada, ganacsiga, wadooyinka tareenka iyo adeega bulshada. Sanadkii 2010ka waxaa caasimada Orlando loo aqoonsaday ineey tahay "Caasimad Caalami" ah.[13] Orlando waxaa lagu daraa afarta caasimadood ee ugu caansan Caasimadaha Maraykanka, taasi oo lagu saleeynayo nolosha dadka, dhaqaalaha iyo adeega bulshada ee dowlada deegaanka. Sidaasi waxaa lagu ogaaday cilmibaadhis ay sameeyeen urur madax banaan oo la yidhaahdo "Ururka Cilmibaadhista Bulshooyinka".[14]

Thumb
Remove ads

Taariikh

Thumb
Harta Lucerne c. 1905

Ka hor intaanay iman gumeystihii iyo degayaashii reer Yurub sanadkii 1536, waxaa deegaanka Orlaando ku dhaqnaa qabiilka Kiriik iyo reero kale oo ka mid ah dadka asal ahaan loogu tegay qaarada Ameerika ee lagu magacaabo Hindida Cas. Maadaama dadkaasi Hindida Cas wax qorkoodu yaraa, lama hayo akhbaar badan oo ku saabsan taariikhda deegaanada Orlando wixii ka horeeyay qarnigii 15aad.

Meelaha ugu cajabta badan ee degitaanka magaaladu ka bilaabmey waxaa ka mid ahayd agagaarka harta Lukerne ee maanta ku aadan farasmagaalka Orland. Ka hor intaan loo bixin magaca Orlando waxaa loo yaqaanay Jernigan, kaasi oo asal ahaan ka yimid degayaashii reer Yurub ee ugu hor yimid deegaanka. Waxaa la sheegay in magaalada loogu magac daray nin la odhan jirey Aaron Jernigan, kaasi oo la sheegay inuu lo' ku iibsaday deegaanda ku hareersan Harta Holden.[15] Sida lagu xusay warar aan la qorin magaca Orlando waxaa laga keenay askari la odhan jirey Orlando Reeves kaasi oo dhintey 1835 wakhtigaasi oo dagaal adag oo u dhexeeya Hindida Cas iyo cadaankii isku balaadhinayay dhulkaasi.

Remove ads

Muuqaalka

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads