Houston

From Wikipedia, the free encyclopedia

Houston
Remove ads

Howston, Houston ( Listeni/ stən/ HYOO-stən) waa caasimada ugu bulshada badan gobolka Tegsas iyo Koonfurta Maraykanka. Intaasi waxaa dheer, caasimadani waa mida 4aad ee ugu shacabka badan guud ahaan wadanka Maraykanka, taasi oo leh dad dhan 2.239 milyan (sida lagu sheegay tirokoob ay dowlada dhexe Maraykanku sameeysay sanadkii 2014ka).[5]

Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Howston, Tegsas, Maraykanka.
Quick Facts Howston, Tegsas, Wadanka ...
Remove ads

Caasimada Howston waxay degan tahay dhul baaxadiisu dhan tahay 599.9 mayl labo-laaban (1,553 kilomitir labo-laaban).[6] Sidoo kale waa caasimada ugu balaadhan ee ugu shacabka badan Deegaanada Koonfurta Maraykanka,[7]

Caasimada Howston waa fadhiga dowlada Degmada Harris ee koonfurbari gobolka Texas. Marka lagu daro nawaaxigeeda, Houston metropolitan waa mida 5aad ee ugu shacabka weyn wadanka Maraykanka. Taariikh ahaan caasimada Howston waxaa la aasaasay sanadkii 1836dii dooxada deegaanda Buffalo Bayou[8][9] waxaana caasimada leh dowlad-hoose laga dhigey Juun 5, 1837dii. Caasimada Howston waxaa loogu magac daray Jenaraal Sam Houston, kaasi oo madaxweyne ka ahaan jirey Jamhuuriyada Tegsas isla markaana ku guuleystay dagaalkii San Jakinto ee ka dhacay 25 kilomitir bariga meesha ay maanta tahay caasimada Howston.

Dekada dabiiciga ah, wado tareenka laga dhisey deegaanadaasi, wershadaha laga aasaasay dhulkaasi iyo helitaanka shidaalka sanadkii 1901, ayaa waxay qeyb libaaxle ka qaadatey koritaanka iyo balaadhashada caasimada Howston; taasi oo soo jiidatay bulsho-weynta ku soo ururtey deegaankaasi. Horaantii qarnigii labaatanaad waxay Howston noqotey hooyga xarunta caafimaadka gobolka Tegsas, goobta ugu weyn aduunka ee machadka cilmi-baadhista Sayniska iyo caafimaadka, saldhiga weyn ee hay'ada Cilmi Falaga ee NASA, iyo hooyga Mission Kontrol Senter.[10]

Dhaqaalaha caasimada Howston wuxuu ku salaysan yahay wax soo saarka wershadaha, awooda iyo tamarta, soo saarida alaabta, shirkadaha caafimaadka, iyo gaadiidka. Caasimadani waxay hooy u tahay shirkadaha ugu waaweyn ee caafimaadka, xarumaha shirkadaha waaweyn ee Fortune 500; waxaa magaaladani ka horeeya New York oo kali ah.[11][12] Intaasi waxaa dheer, Dekeda Howston waxay ku jirtaa kuwa ugu heerka sareeya dekedaha wadanka Maraykanka, waana dekad caalami ah oo la tacaasha adeega maraakiibta caalamiga ah.[13]

Guud ahaan, caasimada Howston waxaa lagu naaneysaa magacyo badan kuwaasi waxaa ka mid ah Caasimada Cirka ("Space City"), taasi oo ka turjumeysa duulimaadyada cirka ee ay ka fuliso hay'ada Cilmi Falaga ee NASA. Sidoo kale, Howston waxaa lagu tiriyaa caasimad caalami ah marka la tixraaco awooda dhaqaale, ganacsiga, madadaalada, hidaha iyo dhaqanka, isgaarsiinta wararka, sayniska, ciyaaraha, feeshanka, teknoolojiyada, waxbarashada, daawooyinka iyo cilmibaadhista. Waxaa caasimadani hooy u tahay noocyo badan oo diimaha caalamka; iyo bulsho kale oo ka soo jeeda deegaano kala duwan oo aduunka ah. Waxaa lagu sheegaa in Howston tahay maagaalada ugu badan ee leh shacab kala duwan oo ka soo jeeda wadano kala duwan oo dunida ah.[14]

Marka laga yimaado xeebaha bilicda fiican iyo deegaanka cimilada wacan, caasimada Howston waxay soo jiidataa tiro badan oo dalxiisayaal ah sanad kasta kuwasi oo aad u daneeynaya goobaha hidaha iyo dhaqanka iyo meelaha taariikhiga ah.[15]



Remove ads

Muuqaalka Howston

Thumb
Caasimada Howston
Thumb
Farasmagaalka Howston
Thumb
Dhismayaasha ugu cajabsan
Thumb
Caasimada Howston
Remove ads

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads