Memfis, Tennessee

From Wikipedia, the free encyclopedia

Memfis, Tennesseemap
Remove ads

Memfis (ingiriis: Memphis; carabi: ممفيس) waa caasimad ku taala koonfurgalbeed ee gobolka Tennessee wadanka Maraykanka. Caasimadani waa saldhiga dowlada Degmada Shelby ee laga maamulo gobolka Tennessee. Caasimada Memfis waxay leedahay bulsho dhan 653,450 (sida lagu ogaaday tirokoob dowlada Maraykanku sameeysay sanadkii 2013ka), taasi oo Memfis ka dhigeysa caasimada ugu weyn gobolka Tennessee, deegaanda dhinaca ku haya Webiga Mississippi, mida sadexaad ee ugu baaxada weyn gobolka "Koonfurbari Maraykanka", iyo caasimada 23aad ee ugu wayn wadanka Maraykanka.

Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Memphis, Tennessee, Maraykanka. Haku khaldin magaalada Memfis, Masar
Halkan waxaa laga soo toosiyay "Memphis" iyo "Memfis".
Quick Facts Wadanka, Gobolka ...

Caasimada Memfis iyo nawaaxigeeda metropolitan, midaasi oo lagu daro deegaano ka mid ah gobolada Arkansas, Mississippi iyo Tennessee, waxay leedahay bulsho aad u balaadhan oo dhan 1,316,100 (sida lagu sheegay tirokoob dowlada dhexe Maraykanku samaysan sanadkii 2010ka).[5] Tani waxay Memfis ka dhigeysaa caasimada ugu dadka badan gobolka Tennessee.

Waxaa intaas dheer, caasimada Memfis waa mida ugu da'da yar dhamaan magaalooyinka gobolka Tennessee, waxaana la aasaasay 1819kii ka dib markii dowlada Maraykanku qorsheeysay dhisitaanka caasimada.[6] Magaca magaaladan waxaa laga soo xigtey caasimad qadiimiga ah ee ku taala wadanka Masar ee la yidhaahdo Memfis, Masar. Shacabka ku dhaqan magaalada waxaa lagu magacaabaa Memfiyaan, waxayna aad caan uga tahay deegaanda "Badhtamaha Koonfuta Maraykanka".


Remove ads

Bulshada Memfis

Marka la tixraaco tirokoobt ay sameeyeen Ururka Bulshada Maraykanka sanadihii 2006da ilaa 2008, noocyada bulshada ku dhaqan caasimada Memfis waxay ka koobnaayeen sidan:

Sida lagu ogaadey tirokoobta sanadkii 2010ka waxaa Caasimada Memfis ku dhaqnaa 652,078 dad ah iyo 245,836 aqal.[7] Deegaanada sida ay dadku ugu dhaqan yihiin waxaa lagu sheegay 2,327.4 qof halkii kilomitir (898.6/km2). Taasi oo lagu sharaxo in 271,552 aqal degan yihiin 972.2 sq mi (375.4/km2). Bulshada ku dhaqan magaalada Memfis waxaa ugu badan Dadka Madoow oo noqonaya ilaa 63.33%, waxaa ku xiga Dadka Cad 29.39%;[8] tiro yar oo Aasiyaan ah oo u dhiganta 1.46%, tiro gaadhaysa 1.57% Dadka Asalka loogu yimid Maraykanka. Waxa magaalad ku dhaqan tiro aad u yar oo ka soo jeeda gasiiradaha Hawaii iyo gasiiradaha Baasifiga iyo tiro aad u kooban oo Latino ah.



Remove ads

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads