Miami

From Wikipedia, the free encyclopedia

Miami
Remove ads

Mayami, Miami ( / æmi/ ; (Af-Isbaanish: maiˈami)[7]) waa magaalo ku taala Badweynta Atlaantik ee xeebaha koonfurbari gobolka Florida wadanka Maraykanka. Magaalada Miami waa fadhiga dowlada degmada Mayami-Dale ee maamusha deegaano badan oo ka tirsan gobolka Foloriida. Marka la xisaabinayo dadka iyo shacabka, magaalada Mayaami waa mida 44aad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanaka, waxayna leedahay shacab dhan 417,650 (tiro-koobtii 2013ka0.[8][9]

Quick Facts Mayami, Florida, Wadanka ...

Marka lagu daro deegaanada nawaaxiga ee hoosyimaada dowlad hoose ee Mayaami Metropolitan waa mida 8aad ee ugu dadka badan liiska dalka Maraykanaka, taasi oo leh dad gaadhaya 5.5 milyan bulsho ah.[10][11]

Thumb
Dhismaha Freedom Tower ee la dhisay 1925kii ee badhtamaha Mayaami.

Mayaami waa xarun iyo hogaanka dhaqaalaha, ganacsiga, dhaqanka, madadaalada, farshaxanka, waxbarashada iyo ganacsiga caalamiga ah.[12][13] Sanadkii 2012ka waxaa la isla afgartey in magaalada Miyaami tahay Caasimad Aduunka ah (Alpha World City).[14] Xaga dhaqaalaha magaalada Miyaami waxaa lagu sheegay ineey tahay magaalada 7aad ee ugu dhaqaalaha badan magaalooyinka wadanka Maraykanka, sidoo kale waa magaalada 33aad ee caalamka.[15]


Thumb
Muuqaalka dhismayasha magaalada Mayami

Magaalada Mayaami waxay caan ku tahay xeebaha quruxda badan iyo cimilada kulul sanadka oo dhan, taasi oo noqotey mid aad u soo jiidata dalxiisayaasha wadanka dhexdiisa iyo dibadiisaba.[16] Magaalada Mayaami waxaa ku dhaqan dad aad u badan oo leh dhaqano kala duwan oo matala meelo badan oo dunida ah. Waxaanay magaaladani ku caan tahay madadaalada iyo dalxiiska.[17] Sidoo kale, Mayaami waxaa lagu magacaaba "Caasimada Latin Ameerika" sababtoo ah waxaa ku dhaqan tiro aad u badan oo dad ka soo jeeda wadanada Laatiin Ameerika,[1] waxaana loo aqoonsan yahay magaalada labaad ee ugu badan dadka ku hadla Isbaanishka,[18] sidoo kale waa magaalada ugu badan eey ku dhaqan yihiin dadka ka soo jeeda wadanka Kuuba.[19]

Thumb
Muuqaal magaalada

Farasmagaalka magaalada Mayaami waxay xarun u tahay qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadankan Maraykanka; kuwaasi waxaa ka mid ah bankiyo caalami ah, xarumo cilmibaadhis, caafimaad, biotechnology, teknoolojiyad, goobo madaalo, iyo shirkadaha dalxiiska xeebaha iyo badaha[20][21][22][23]

Thumb
Dn’tRmvpl. Faransiiska
Remove ads

Muuqaalka Miyami

Thumb
Thumb
Thumb
Thumb

Magaalooyinka Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads