Alaska
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
- Kani waa maqaal ku saabsan gobolka Alaska, Maraykanka.
- Boga "AK" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Alaska (/əˈlæskə/ ⓘ) waa gobol dhaca waqooyigalbeed ee cidhifta qaarada Waqooyiga Ameerika kaasi oo ka tirsan kontonka gobol ee wadanka Maraykanka.
Bariga Gobolka Alaska wuxuu xad kala leeyahay wadanka Kanada deegaanda Yukon iyo gobolka Kanada ee Biritish Kolombiya. Dhinaca waqooyiga waxaa ka xiga gobolkan Badweynta Araktika; iyo Badweynta Baasifik oo ka xigta galbeedka iyo koonfur. Intaas waxaa dheer wadanka Ruushka (gaar ahaan "Deegaanda Jukotka Okrug" iyo "Kamjatka Krai") aya ka xiga galbeedka fog.
Dhinaca kale, gobolka Alaska waa deegaanka ugu weyn kontonka gobol ee Maraykanka, sidoo kale wuxuu kaalinta afaraad kaga jiraa liiska gobolada ugu dadka yar, waxaana ku nool gobolka dad gaadhaya 735,132 qof kuwaasi oo intooda ugu badan ku dhaqan yihiin magaalada Ankoraje iyo nawaaxigeeda. Dhaqaalaha gobolka Alaska waxaa u lafdhabar ah shidaalka, gaaska dabiiciga ah, iyo wershadaha kaluumeysiga kuwaasi oo ah kheyraad aad ugu qani ah deegaanada gobolka Alaska. Waxaa iyadna dhaqaalaha aad u kaba dalxiiska iyo siyaarada joogtada ah ee caalamka oo dhan.
In kastoo kumanaan sano lagu soo noolaa deegaanda Alaska, hadana dunidu waxay si fiican u baratey gobolka iyo sheekooyinkiisa wixii ka dambeeyay qarnigii 18aad goortaasi oo la ogaaday kheyraadka ku keeydsan iyo nolosha ka jirta deegaanada Alaska. Markii ay taariikhdu ahayd Maarso 30, 1867dii ayaa dowlada wadanka Maraykanka iibsatay gobolka Alaska, taasi oo siisay boqortooyadii Ruushka lacag dhan US$ 7.2 milyan. Dhulka Alaska marka lagu qiimeeyo lacagta dowlada Maraykanku ka bixisey waxay noqoneysaa labo senti halkii akre ee dhul ah ($4.74/km2).[3]
Remove ads
Magaca "Alaska" (Аляска) waxaa markii ugu horeeysay laga maqley gumeystihii Ruushka, kaasi oo wakhtigaasi gacanta ku hayay maamulka deegaankaasi. Sida ku fasireen culimada-luuqadaha waxaa ereyga Alaska laga keenay luuqada Aleut ooy ku hadlaan dad u dhashay deeganka Alaska, taasi oo micnaheedu yahay shey uu hogaaminayo ficilka biyaha badu.[4][5][6]
Waxaa sidoo kale la sheegaa ereyga Alyeska, oo lagu fasiro "dhulkii weynaa", midani waxay ku arooraysaa luuqada Aleut ee dhawaaqa dhow Alaska.
Remove ads

Deegaanda Alaska waxay leeyihiin xeeb ka dheer marka la isku daro dhamaan xeebaha gobolada kale dhan ee Maraykanka.[7] Alaska waa deeganka kali ah ee leh dhinac walbo xeeb ee ku yaala qaarada Waqooyiga Ameerika; taasi oo ku fadhida dhul baaxadiisu le'eg tahay 663,268 mayl labo laaban (1,717,856 km2). Deegaan ahaan gobolka Alaska wuu ka go'an yahay qaarada Ameerika waloow weli lagu xisaabiyo qaaradaasi. Magalo-madaxda Alaska Juneau waxay ku taalaa dhul ka tirsan qaarada Ameerika, laakiin ma lahan wado laami ah oo ku xidhiidhisa wadanka itiisa kale, taasi waxa sababay waa fogaanshaha dhulkaasi iyo dad la'aanta.
Guud ahaan, gobolka Alaska wuxuu jaar la yahay deegaanka Yukon iyo British Kolombiya ee wadanka Kanada, gacanka Alaska iyo Badweynta Baasifika xaga koonfureed, Bada Bering, Deegaanka Bering iyo Bada Jukji (Chukchi Sea) xata galbeed iyo Badweynta barafleyda ah ee Araktik oo ka xigta waqooyi.
Biyaha u hareersan gobolka Alaska waxay gaadhaan biyaha wadanka Ruushka waxayna ku kulmaan Deegaanka Bering iyo Gasiirada Bid Diomede taasi oo noqoneysa kaliya masaafo dhan 3 mayl (4.8 km) Gabi ahaanba gobolka Alaska waa kan ugu weyn wadnka Maraykanka isla markaana leh bulshada ugu yar dhamaan kontonka gobol. Alaska waxay u dhigantaa labo laabka gobolka Tegsas (Texas) oo ah mida labaad ee ugu balaadhan wadanka. Marka la eego xaga wadanada caalamka, gobolka Alaska wuxuu noqonayaa midka 18aad ee ugu balaadhan caalamka.
Remove ads

GermanyRemove ads
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads

