Arizona

From Wikipedia, the free encyclopedia

Arizonamap
Remove ads

Arizona ( Listeni/ znə/ ; / znə/ ); O'odham: Alĭ ṣonak) waa gobol dhaca koonfurgalbeed wadanka Maraykanka.

Thumb
Ubaxa tiinka Saguaro ee gobolka Arizona caanka ku tahay.

Kani waa maqaal ku saabsan gobolka Arizona, Maraykanka.
Boga "AZ" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Quick Facts Gobolka Arizona, Luuqada Dowliga ...


Gobolka Arizona wuxuu sidoo kale ka mid yahay Gobolada Galbeedka Maraykanka iyo Gobolada Buuraleyda Galbeedka. Arisona waa deegaanka lixaad ee ugu weyn wadanka iyo mida 15aad ee ugu bulshada badan kontonka gobol ee wadanka Maraykanka. Magaalo-madaxda iyo caasimada ugu weyni waa Phoenix. Sidoo kale, gobolka Arisona wuxuu xad la leeyahay gobolada Meksiko Cusub, Utah, Nevada, kalifornia, iyo wadanka jaarka ah Meksiko, iyo xad kooban oo dhaca koonfur galbeed gobolka Kolorado. Gobolka Arisona wuxuu la wadaagaa dalka Meksiko xad dhererkiisu dhan yahay 389 mayl (626 km), kaasi oo fidan waqooyiga gobolada Meksiko ee lagu magacaabo Sonora iyo Baja Kalifornia.

Dhinaca kale, Arisona waa gobolka 48aad iyo kan ugu dambeeyay ee ku biira Midowga Maraykanka, ayada oo heshay magaca gobolnimada Febraayo 14, 1912kii. Wakhtigan wixii ka horeeyay waxay ka tirsanayd deegaanada loo yaqaaney Alta Kaliforniya ee mar ahaan ka tirsanaan jirey Boqortooyadii Isbayn ee markii dambe xoriyada siisey wadanka Meksiko, dowlada Maraykanku xooga kaga qabsatey Meksiko dagaalkii Meksiko iyo Maraykanka.

Guud ahaan, gobolka Arisona wuxuu caan ku yahay cimilada iyo deegaanka lamadegaanka ah; waxaana lagu yaqaanaa kuleyl iyo hanfi wakhtiga xagaaga iyo gu'ga, iyo cimilo degan wakhtiga jiilaalka ah. Waqooyiga Arisona waxaa ka baxa dhir badan oo keymo ah kuwaasi oo leh noocyo badan oo dhir ah sida geedka Douglaska, spurseka iyo wixii la mid ah. Sidoo kale gobolkan Arisona wuxuu leeyahay deegaano aad u sareeya oo dhul sare ah, kuwaasi waxaa ka mid ah barta gobolka ugu sareeysa ee Humphreys Peaks oo joogeedu dhan yahay 12,637 ft (3852 mitir), buuraha San Fransiisko iyo Kolorado Plateu.[6]

Remove ads

Magaca

Magaca gobolkani wuxuu u muuqdaa inuu asal ahaan ka yimid ereyga Isbaanishka Arizonac, kaasi oo laga soo amaahdey erey luuqada O'odham-ka alĭ ṣonak, taasi oo micnaheedu tahay "dayrtii yarayd", taasi oo la odhan karo wuxuu ka turjumayay biyo yarida iyo roob la'aanta ka jirtey deegaanka.[7][8][9][10] Tani waxaa taageeraya xaqiiqada ah in ilaa maanta loo yaqaano luuqada alĭ ṣonak ee afka O'dhamya.[11] Erey kale oo macquul ah waxaa laga so xigtay luuqada Basque, waa ereyga haritz ona oo micnahiisu tahay "geedo yare".[12][13][14]

Fikrado kale ayaa jira oo ku adkeeysanaya in magaca Arizona ka yimid ereyga Isbaanishka ah ee "Arid Zone" oo micne ahaan noqoneysa "Deegaankii Qalalnaa".[15]

Remove ads

Juquraafi


Thumb
Deegaanada sare ee ku soo darsama webiga Kolorado.


Gobolka Arizona wuxuu dhacaa koonfurgalbeed wadanka Maraykanka, waxaanu ka tirsan yahay gobolada Galbeedka wadanka Maraykanka. Sidoo kale Arizona waa gobolka lixaad ee ugu baaxada weyn kontonka gobol ee wadanka, waxaana ka weyn Meksiko Cusub waxaana ka yar Nevada. Intaas waxaa dheer gobolku wuxuu ku fadhiyaa baaxad dhan 113,998 mayl isku wareegsan, taasi oo ilaa 15% tahay dhul si khaas ah loo leeyahay. Inta soo hadhay waxay iskugu jirtaa keymo waaweyn, beero raaxo dadweynaha, dhul u gaar ah gobolka iyo keydka dadka asal ahaan loogu yimid qaarada Waqooyiga Ameerika ee loo yaqaano Hindida Cas. Inta ugu badan gobolka Arisona waa lamadegaan, dhul joog sareeya iyo deegaano qalalan oo ay ka baxaan kaliya geedka Tiinka.

Remove ads

Muuqaalka

Gobolada Maraykanka


More information Magaalooyinka Maraykanka ...


More information Gobolada Maraykanka ...
Remove ads
Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Remove ads